Tilmaamid Iyo Dardaaran Golaha Cusub Ee Wakiilada J.Somaliland
Ugu horeyn waxaan u hambalyeenayaa dhamaan xubnihii ku soo baxay cododkii iyo kuwii aan ku soo bixinba,waxaa iyaguna halbalyo taas la mida leh dhamaanba hawlwadeegadii,codbixiyayaashee,deeq bixiyashaashii kormeerayaasha iyo cidkasta oo ka qaybgashey taaba gelinta doorashada balse Mahad oo dhan waxay u sugnaatey Allah (swt) oo aynu nahay adaamadiisa ogolaanshihiisana wax walba ku dhacaan.
Ugu horey waxa mudan in aynu cadeyno waa maxay wajibaadka shaqo eewakiilku?
Wakiilka xubinta ka ah golaha wakiilada masuuliyadiisa kowaad waa ilaalinta iyo fulinta danaha qarankiisa.
sidoo kale waxaa isna waajib kiisa ka mid ah in uu ilaayo danaha dadkii soo doorteywixii aan ka hor imaneynin Masuuliyadiisa kowaad oo ah danta qaranka.
Ugu dambeyntii hadii uu ka tirsan yahay xisbi siyaasadeed waxaa laga yaabaa in uu ilaaliyo danaha xisbigiisa wixii aan ka hor imaneynin labadaas danood ee hore ee taageeraya.
Gole kasta oo wakiilo oo caalamka ka jira wuxuu ilaaliya:
Danta qaranka ( the national interest[MF1] )
Danta dadkii soo doortey
Waxaa dhici karta in uu hadii uu xisbi siyaasadeed ka tirsan yahay in uu ka shaqeeyo xisbigiisa siyaasada dantiisa wixii aan ka hor imaneynin labadiisa waajib ee hore.
Marka uu mudanuhu guuleysto xilka loo dhaariyo maalintaa wuxuu noqonayaa mudane qaran waxaa ugu horeeya oo ilaalinayaana waa danta qaranka (the national interest), ma ilaalinayo danaha xisbi siyaasadeed hadii uu yahay muxaafid ama mucaarid kii uu doono ha ahaado balse wixii qarankan uu matalayo dantiisa ah baa shaqadiisa loo idmaday tahay taas marka uu ka soo dhalaalo waxaa u raacaya in uu fuliyo danaha dadkii soo doortey ee uu wakiilka ka yahay wixii aan ka hor imaneynin danta qaranka labadaas waajib ayaa ka horeeye xisbigiisa danahiisa inuu ka shaqeeyo waxkasta oo ka hor imanaya danta qaranka xildhibaanku fasax uma haysto in uu qayb ka qaato.
Sidaa darteed xubinta golaha wakiilada Somaliland ee cusub waxaa kula dardaarmayaa in ay gutaan waajibkooda qaran ee loo idmadey waana in ay halkaa iska digaan danaha xisbiyada siyaasadeed ee ay ka tirsan yihiin wixii ka hor imanaya danta qaranka iyo danta dadkii codkooda siiyey khasab kuma ah xubinta wakiilada fulinta danaha xisbiga siyaasadeed uu ka soo jeedo balse waxaa khasab ku ah fulinta ilaalinta iyo kormeerka danta qaranka, maanta wixii ka dambeeya waxaad tihiin xildhibaano qaran gunada iyo mushahaarka waxaad ku lee dihiin qaranka xisbi kuma lihidin codka shacabka ayaa ku fadhidaan mid xisbi kumadin soo bixin caalamka oo dhana waa sidaasi.
Doorashada aad Gudoomiyaha dooranaysaana ha u eegina xisbiga siyaasadeed ee uu ka soojeedo balse waxaad u eegtaan ayaa idinkala shaqeenaya danta qarankan Somaliland oo aad ku aamintaan.
Mahadsanidin Dhamaantiin
M J Farah
source : hogaanka.org
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!