18 May Waa Maalinta Qaranka Somaliland Sidee ayay ku timid. W/Q Rashiid odowaa

0
Saturday May 11, 2019 - 17:25:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    18 May Waa Maalinta Qaranka Somaliland Sidee ayay ku timid. W/Q Rashiid odowaa

    Markii Somalilan xornimada ka qaadatay mustacmarkii Ingriiska 1960kii waxay 4

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii Somalilan xornimada ka qaadatay mustacmarkii Ingriiska 1960kii waxay 4

cisho gudaheed isku biireen Somalia oo iyaduna Tallyaaniga ka qaadatay Xornimo sdaas ayaa lagu dhisay Jamhuuriyada Somalia sagaal sano ka dib ayay inqilaab kula wareegtay Xukuumaddii uu gadhwadenka ka ahaa Maxamed Siyad barre dalkii la isku odhan jiray Somlia, isla markiba Xukumaddasi Waxay dhabaha cagta Saartay oo ay qaadatay mabdaii Shuuciyadda (Communism) oo wakhtgaas adduunka ka sii dabar goayay mabda a oo ahaa mulxid ama kaba soo horjeeda Diinta islamka wuxuu markiiba ku dhaqaqay arrimo ka soo horjeeda Diinta Islaamka oo ay ka Mid ahayd in Ragga iyo dumarku u simanyhiin dhaxalka iyo Xukunka waxana la dilay Culimadii ka hortimid dhawaaqaas1975kii,waxa kaloo la laayay Sarakiil lagu eedeyay inay ka hor yimadeen mabdaii uu la yimid Kacaanka cusubi.oo ay ka mid ahayeen Maxamed Caynanshe,dheel iyo Salaad gabayrre.



1975 ayuu Maxamed Siyaad barre Kulliyadda jaalle siyaad loo yaqaanno isugu keenay 3000 oo qof waxaanu halkaas kaga dhawaaqay xisbiga keliya ee ka talin doona waddanka oo ha Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Somaliyeed (XHKS)


Kacdoonkii jabhaddii SSDF

1977kii ayay xukuumaddii Somalia dagaal ku qaadday waddanka Ethiopia dagaalkan oo loogu yeedhay in lagu xoraynayo shanta Somaliyeed ee kala maqan ayaa lagu khasaaray waxanna loo tiriyaa inuu horseeday bur burkii Somalia,dagaalkaas ka dib Waxa bilaabmay guux iyo saluug ay hor kacayaan qaybo ka mid ah Ciidamada iyo Dadkii Somaliyeed waxana inqilaab isku dayay qaybo ciidanka ka mid ah waase uu fashilmay,waxa samaysmay jabhaddii ugu horraysay ee dagaal hubaysan kala hortimaadda Somalia ee la soo safata Ethiopia waxay ahayd SSDF jabhaddas iyo ciidanka Ethiopia oo wada socdaa waxay dagaal ku dhex maray Ciidanka Somalia aagga Balanballe iyo Gal dogob 1982 dagaalkaas oo khasaare badan gaystay laguna xuso in dadka gobolka mudug dega iyo qabiilka majeerteenka oo loo aanaynayay inay taageran jabhaddas loo gaystay xasuuq badan.aakhirkii jabhadasi way itaal darraysay ka dib markii Ethiopia xidhay hogaamiyihii jabhadda oo ahaa C/laahi Yusuf axmed. Waxayna jabhaddasi dib isugu soo dhiibeen Somalia.

ASAASKII JABHADDII SNM


1981 ayay dhinaca woqooyiga Somalland ka baxday jabhaddii SNM waxa taageeri jirya jabhaddan Qabiilka Isaaqa,waxase xusid mudan qabaailka kale ee Somaliland degaa way ka soo horjeeden SNM waxayna u arkayeen Niman qabiil uu yahay hadafkoodu qabailkaas waxa mida Beesha Harti iyo Samaroon marka laga reebo shakhsiyaad kooban oo iyagu SNM raacay,,waxay fadhiisimo ka samaysatay talowga Xuduudda ay dhinaca woqooyi kala wadaagto Ethiopia Somalia iyadoo halkaas ka heshay soo dhowayn iyo taageero xukuumadda Ethopia,way xoogaysatay jabhadda SNM waxayna dagaal aan kala joogsi lahayn la gashay Ciidankii Xoogga dalka Somlia,dadka reer Somaliland haba ugu badnaando qabiilka isaaqu waxa soo gaadhay Xasuuq aad u Daran iyo cadaadis aan xad lahayn.muddo 8 sano ah oo SNM iyo Ciidamada Siyaad barre ku dagaalamayeen Xuduudaha dhinaca woqooyi.


Waxa la soo gaadhay 1987 dabayaqadiisii markii ay xukuumaddii Maxaed Siyad barre iyo Xukuumadii Mingistu ay heshiis shirqool ah ku kala saxexdeen Jabuutti ,heshiiskan oo ay ka soo shaqeeyeen Xukuumadihii dalalka ku bahoobay Urur goboleedka IGAD oo uu kow ka ahaa Madaxweynihii xiligaas ee jabuutti Xasan Guuleed abtidoon ujeedad heshiiskuna ahaa sidii SNM hubka looga dhigi lahaa ka dibna Xukuumadda Siyaad barre gacanta looga gelin lahaa waa kuwan qodobada heshiiska u waaweyni.


1-In xukuumadda Somalia ka tanaasusho sheegashada ay sheeganayso dhulka kililka shanaad ee Ethipia oo wakhtigaas loo yaqaannay Somali galbeed.


2-in dhinac kastaaba taageerada uu kala noqdo jabhadda ku kacsan waddanka kale,Oo Ethiopia taageerada ka joojiso SNM oo dagaal adag ku haysay Xukuumadda Siyaad barre iyo Eritrea iyo TBLF oo ay taageri jirtay Somlia inay ka joojiso.sidaasna lagu baabiyo jabhadaha


Hase ahaatee SNM ismay dhiibin,waxayna gashay diyaar garow qarsoon iyagoo Ethiopia Siyaasad kula socda waxayna Xoogagii SNM la isugu geeyay sadex aag si ay dagaal kama danbays ah oo aanay waxba u danbayn u soo qaadaan.taas oo macneheedu yahay inay SNM Ethiopia ka soo guurto dibna aanay ugu noqon ee Xukuumadda Somalia iyo SNM ay ku dhex dagaallaman waddanka gudihiisa goaankaas oo ahaa mid aad u adag hase ahaattee ay ka fursan wayday.


Haddaba 27 may 1988 ayay guuttooyinkii SNM ee 1aad,2aad.iyo 8aad iyo taliska Teknikada oo marka la isku geeyo ahaa 1200 dagaalyahan,waxay wateen 54 gaadiid ah,waxay ka soo dhaqaaqeen meesha loo yaqaan Samatar axmed waxayna si xirfadaysan u soo waydaarteen aaggii hore ee difaaca Ciidanka Somalia waxayna dagaal aan la filayn ku soo Galeen magaalada Burco,halkaas oo dagaal qadhaadh ka dib ay gacanta ku dhigeen magaalada burco marka laga reebo hal xero oo la odhan jiray Barta.Sarakiisha Ciidamadaas wadatay waxa ka mid ahaa Axmed Mire,Aadan saleban,ibraahim ha i liqin.axmed macalin Haaruun,Haabiil iyo qaar kaloo badan.waxa kaloo xusid mudan hal urur oo uu watay ninka la yidhaa Doollaal oo Jidgoyn u galay Burco iyo laascaanood dhexdooda halkaas ayuu dagaalkasi ka curtay.


Meesha loo yaqaan Axmed Bisad waxa ka soo dhaqaaqay Guutooyinka GT,Sayid Cali.GT3aad(barkhad),Guuto markaas la sameeyay oo Sayid Cumar la odhan jiray oo maxamed Cali watay.iyo hal Urur oo ka mid ahaa Guutadii Sancaani 10aad isu gayn 650 mujaahid waxay watteen 35 gaadiid ah, waxay iyaguna soo daba marteeyeen aaggii hore ee Difaaca Ciidanka Somalia waxayna gacanta ku dhigeen Cadaadlay oo ahayd taliska Guutada 12aad ee Ciidanka Somalia iyo jeelka mandheera halkaas oo guulo la yaab leh ay ka soo hooyeen,Ciidamadas waxa madax ka ahaa Xuseen dheere,Maxamed cali Farax,Janan oogo,Axmed Waysacadde, maxamed Ismaciil,Aadan dheere,Farax ifiso iyo qaar kaloo badan,


Sidaas si la mid ah ayay 30 may 1988 kii meesha loo yaqaan balli samatar Waxa ka soo dhaqaaqay Guutooyinka 4aad oo ka koobnayd Guutada 20aad iyo Sayid Cumar,laba Urur oo Sancaani 10aad ahaa iyo laba Urur oo ka yimid guutada shanaad iyo taliskooda oo xoog badnaa marka la isku geeyo 1200 mujaahid waxay wateen 73 gaadiid ah waxayna si xirfadaysan u soo dhaafeen aaggii hore ee difaaca waxayna weerar ku soo galeen Taliska guud ee Ciidanka qaranku halka uu yahay waxa watay ciidankan Ibraahim dhegowayne,C.raxman aw cali farax,,Muuse biixi. Dayib guray,Maxamed Koosaar,Aadan Cadde,maxamed cilmi galaan.Gacmo dheere,axmed dhagax,C/laahi askar, iyo sarakiil badan oo kale.waxa jiray hal Urur oo guutada shanaad ahaa oo loo dhigay Jidgoyn dhinaca galbeed ee Hargeisa.


Guddiga guud ee dagaal gelinta waxa ahaa Maxamed Kaahin,C/samed x,lahi,Jaamac cali cilmi iyo Xassan yonis habbane,waxa dagaalka Saxeexay Axmed maxamed Siilaanyo oo markii uu saxeexay diyaarad kaga baxay Ethiopia si aan loo xidhin oo aan loo odhan heshiiskii Somalia iyo Ethiopia ayaad jebisay


Sidaas ayuu dagaal daba dheeraday uga curtay,woqooyiga Somalia oo haatan ah Somaliland dagaalkaas oo aan waxba la is amaahin xukuumaddii Somalia waxay adeegsatay wax kasta oo hub ah oo gacanta ugu jiray,hadday tahay madaafiic,tawaangi,Beebee iyo diyaarado iwm.sadex sano markii dagaalku uu socday min subax illaa gabal dhac.dowladdii Somalia way bur burtay oo waxa koonfur ka samaysmay jabhad la odhan jiray USC oo SNM ay gacan saar lahaayeen waxa jabhaddan taageerayay Qabiilka Hawiyahisa waxa hoggaminayay General Maxamed Farax Caydiid, iyo jabhad kale oo tagero ka haysatay Ciidamo Ogaden ah oo ka niyad jabay dagaalkii ay kula jireen SNM oo la baxay SPM waxa hogaaminayay Axmed Omar Jees labadan jabhadood intay Hargeisa ka soo baxeen ayay isu soo dhiibeen SNM waxa lagu soo dhaweeyay balligubadle sidas ayay ugu gudbeen Koonfurta Somalia waxayna dagaal ku bilaabeen gobollada dhexe ilaa ay muqdisho ku galeen,Si kastaba ha ahaattee halkaas ayay xukuumaddii Somalia ku bur burtay Maxamed Siyaad barre iyo gaadiid badan oo wattay iyo umad badan oo raacday muqdisho baxsi ayay kaga baxeen illaa iyo Kenya, SNM waxay gacanta ku dhigtay woqooyiga Somaliakoonfurna waxa gacanta ku dhigay USC iyo SPM oo Kismaayo fadhiisatay.


Halka ujeedada maqaalkaygani u socdaa waa halkane SNM waxay isu keentay beelihii woqooyiga wada deganaa taladiina gacanta odayaasha ayaa lagu celiyay waxana la yidhi Qoladii SNM ahayd iyo kuwii ka soo horjeeday maanta waxaynu rabnaa in aan dagaal danbe dhicin ee aynu la soo noqonno gobanimadii luntay 1960kii sidaas ayaa la isku raacay kuna dhalatay 18 may 1991 magaalada Burco looga dhawaaqay Gooni isu taagga Somaliland.muddadii ay Somalilnd jirtay wax badan ayaa u qabsoomay oo Horumar iyo nidaam dowladnimo oo Demaoracy ku dhisan in kastoo halka lagu socdo aan wali gaadhin oo ah ictiraaf iyo barwaaqo.


Dhinaca kale Koonfurta Somalia waxa ka dhacday wada tashi la aan waxana socdaydagaal la kala aargoostay oo beerihii iyo hantidii la kala qaattay ilaa maantana 28 sano aan waxba u qabsoomin ee noqotay meel quwado shisheeye fadhiyaan,dhibtiina ay wali ka taagantahay ilaahay ha ka saaro e.


Haddaba marka laga hadlayo waddan lama eego qoomiyadda u badan waa tee illayn ma jiro waddan aan cidi u badnayn,ee waxa ka muhiimsan in laga hadlo Nidaamka loo dhaqmayaa ma saxanyahay,ma jiraa awood qaybsi qaab macquul ah ku dhisan waa in waxyaabahaas la eegaa lkn ma habboona in la yidhaa reer ayaa u badan iyo reer ayaa u soo halgamay illayn waa suurto gal in halgankuba u dan ahaa dadkoo dhane,waa in la famhaa muwaadin micnihiisu waa muwaadin,Somalilander macnihiisu waa Somalilnder (regardless)iyadoo aan loo eegayn kanbaa Isaaqa,Samaroon,ama Harti,maalinta 18 may waa maalin qaran oo dhiigii daadanayay lagu joojiyay dhinac kastaba ha ahaattee,xushmad iyo qadarin ayay inaga mudantahay umadda reer Somaliland guud ahaan.


Rashiid Odowaa

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...