Dameeraha, W/Q: Ibraahin dhuxul.

0
Monday June 21, 2021 - 08:44:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dameeraha, W/Q: Ibraahin dhuxul.

    Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Donkeys), carabidana (حِمار)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Donkeys), carabidana (حِمار)

Dameeruhu waxay kamid yihiin boqortooyada xayawaanka (Animalia) bahda lafdhabarleyda ah (Chordata) gaar ahaan bahweynta naasleyda (Mammalia). Sidoo kale waxay ku jiraan qoyska ballaadhan ee qooblleyda (Perissodactyla). Dameeruhu waxay ka mid yihiin qoyska hoose ee Gammaanka (Equidae), kaas oo ay ku jiraan Fardaha, Gumburiga, Baqasha iyo Dameer farawga. Bahda cilmiga Saynisku waxay ugu yeedhaan (Equus asinus). Asal ahaan waxaa la aaminsan yahay inay kasoo jeedaan dhulalka soomaalida iyo Nuubiyiinta, inkastoo muddo dheer laga adeegsan jiray dhulka masaarida. Dameeeruhu waa meesiga keli ah ee ay cadkiisa iyo caanihiisuba xaaraanta yihiin, balse haddana si joogto ah loo gadiidsado.



Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Donkeys), carabidana (حِمار) . Afka Soomaaligana guud ahaan Dameero, labakoodana Dameer ama Muun. Dheddiggoodana Dameer, markay yaryar yihiin waxaa loogu yeedhaa Qayl ama Burris. Codkoodana dinnahin. Cimrigoodu waxa uu gaadhaa 15-30 sanno, Culayskooduna 80-480 kiiloo garaam, halka uu dhererkooduna gaadho 145 -109 sentimitir. Heerkulka jidhkoodu waxa uu gaadhaa 36-37digrii. Dameeruhu waxay leeyihiin 62 hiddo-side iyo 44 ilkood. Sidkooduna waa 11 illaa 14 bilood, sidoo kale dameeruhu waxay ka mid yihiin xayawaannada leh dhiigga diirran (Warm blooded) iyo kuwa hal calooleyda ah, ama aan soo calyo-ceshan (Monogastric). Dameeruhu waxay ku jiraan xayawaannada uu rabbi qur'aan ku xusay ilaa shan jeer.


Dameeraha adduunka ku nool waxaa lagu qiyaasaa 40 milyan oo dameer, dalka ugu badan dunida ee ay ku nool yihiin waa dalka itoobiya. Sidoo kale dalka ugu badan ee loodhoofiyo hilibka iyo haraga dameeraha caalamka waa dalka shiinaha. Caanaha dameeraha Soomaalidii horre waxay u adeegsan jireen inay ku daweeyaan xanuunka kixda , inkastoo aanay diinta islaamku ogolayn. Ugu danbayntii sidaynu wada ognahay hilibka dameeruhu wakhtigii horre waxa uu ahaa xalaal, balse waxa ay diinta islaamku xaaraantinimaysay dameeraha dabjoogta ah dagaalkii khaybar. Nebigu dameeraha sida dhawr xadiis oo laga soo weriyay aynu ku aragnay wuu adeegsan jiray, wuxuuna lahaa dameer la odhan jiray (Cufayr). Dameeraha tiro kasta oo ay gaadhaan qofka leh diinta islaamku seko kumay waajibin.


Mayeedhaan magazine.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...