Shirkii Dawlada Federaalka Ah Iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya Oo Burburay Iyo Nuxurka Shan Qodobo Oo Laysku Mari Waayey

0
Saturday May 11, 2019 - 17:15:57 in News by
  • Visits: 3522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Dawlada Federaalka Ah Iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya Oo Burburay Iyo Nuxurka Shan Qodobo Oo Laysku Mari Waayey

    Shirkii Dawlada Federaalka Ah Iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya Oo Burburay Iyo Nuxurka Shan Qodobo Oo Laysku Mari Waayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii Dawlada Federaalka Ah Iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya Oo Burburay Iyo Nuxurka Shan Qodobo Oo Laysku Mari Waayey


Muqdisho(HWN):-Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in shirkii halkaasi uga socday mas’uuliyiinta maamul goboleedyada iyo madaxada dowladda ferderaalka ee Soomaaliya uu fashil ku soo dhamaaday isla markaana wax heshiis ah aan laga gaarin arrimo dhawr ah oo la isku haystay.




Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmad Madoobe) ayaa noqday masuulkii ugu horreeyey ee subaxnimadii hore ee saakaba isaga dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, halkaasi oo ay diyaarad u taagnayd tan iyo shalay galab. Axmad Madoobe ayaa toos u tagay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkiisa.


Sidoo kale dhiggiisa Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isna lagu soo waramayaa in laga yaabo in uu ka dhoofo magalaada Garoowe.


Maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in uu shaaciyay in shirkaasi Garoowe uu fashilmay, waxana sida ku cad war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada maamulkaasi ay Galmudug ku eedeeynaysaa dowladda dhexe in ay diiday fulinta heshiiskii Jabuuti ku dhex maray maamulkaasi iyo maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Suunna, ayna wali faragelin ku hayso arrimaha maamulka Galmudug.


Dowlad goboleedka Galmudug waxaa kale oo ay dowladda dhexe ku eedeysay in ay qaaday tallaabooyin lid ku ah arrimo dhawr ah oo ay ahayd in shirkaasi Garoowe lagu gorfeeyo, waxa uuna maamulkaasi tusaale u soo qaatay sharciga doorashooyinka, batroolka iyo arrimaha dastuurka iyo waliba in dowladdu ay xallin weyday khilaafka kala dhexeeyo maamulkaasi.


Arrinta kale ee lagu xusay warka ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa ah arrinta maqaamka magaalada Muqdisho, oo sida Galmugud ay sheegtay ay dowladda dhexe diiday in shirkaasi lagu soo hadal qaado.


Madaxdan toddobaadka ku shirayay Garoowe ayaa siyaasad ahaan waxa ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, waxaana khilaafkii hore ee u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada uga sii daray go’aanka golaha wasiirrada ee dowladda federaalka uu ku meelmariyay hindise-sharciyeedka doorashooyinka, arrintaa oo inta badan ay ka biyo diideen kooxaha mucaaradka ku ah dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.


Waxyaabaha haatan soo ifbaxay ee dowladd dhexe iyo maamul goboleedyadu aadka isugu khilaafeen waxaa ka mid ah tallaabada golaha wasiirrada dowladda federaalka ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka doorashooyinka. Qodobka ugu muhiimsan ayaa aha qodob dhigaya in dowladda haatan jirta iyo baarlamaankuba ay xilka sii haynayaan haddii doorashooyinka dalka ay dib u dhacaan.


Isku soo wada duuboo shan qodob ayaa la sheegay in madaxda Garoowe fadhiday isku mari waayeen waxaanay kala yihiin:


1- Faragelinta Galmudug,Taas oo qaadatay 5 cisho , natiijo la,aana ku dhamaatay. Galmudug ayaa sheegtay in ay fara galin dawladdu ku hayso iyada oo dawladda Federaalka Madaxweynaha Galmudug u qabatay hal sano halka isagu ku doodayo in la doortay illaa 2021.


2- Xeerka Doorashooyinkaee ay xukumadda Muqdisho fadhidaa ansixisay oo ay maamul goboleedyadu ku doodayaan in aanu waafaqsaneyn Dastuurka Dalkaasi iyo heshiiskii baydhabo ee Dowladda iyo dowlad Goboledyada Jun 2018, taasina si adag baa Taas waa la isku mari waayay.


3- Saami Qaybsiga Iyo Guud Ahaan Kheyraadka Soomaaliya:

Sharciga Batroolka oo Baarlamanka la geeyay iyadoo wax laga badaley Heshiiskii Dowladda fedaralka iyo dawlad goboleedyada ee ku saxiixedeen Baydhabo June 2018, iyadana waa la isla meel dhigi waayay. Waxaana arrintaasi aad gaashaanka ugu dhuftay Maamul Goboleedyada.


4- Deeqaha caalamiga-

Deeqaha Beesha caalamka magaca Soomaaliya lagu keeno si cadaalad dalka loogu qeybin lana siyaasadeeyo, iyadana waa la isku mari waayay. Maamul Goboleedyadu waxa ay ku doodeen in saami caddaalad ah ay ka yeeshaan sidoo kalena aan beesha caalamku dawladda dhexe u soo marin wax deeq ah ee toos loo siiyo.


5- Dhameystirka Dastuurka

Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayaa wada dib u eegis ku aaddan dastuurka Soomaaliya iyadoo ay ka maqanyihiin xubnihii dawlad goboleedyada u matali laha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka ,xubnahas oo Dawlad Goboleedyada magacaabeen laakin in ay shaqa galaan aan loo ogolaan, qodobkaasina khilaaf weyn kaa dhacay oo waa la isku afgaran waayay.

 

Loading...
Loading...