Prof. Ahmed Samatar Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Horyaala Haweenka Somaliland

0
Sunday June 20, 2021 - 20:20:52 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Prof. Ahmed Samatar Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Horyaala Haweenka Somaliland

    Prof. Ahmed Samatar Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Horyaala Haweenka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Prof. Ahmed Samatar Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Horyaala Haweenka Somaliland

Hargeisa(HWN):-Prof. Ahmed Ismaaciil Samatar oo ka mida siyaasiyiinta Xisbiga talada haya ee KULMIYE ayaa sheegay in Haweenku ay dhaafi la'a yihiin wax wayn oo soo jireen ah, kaasoo uu ku sheegay inay tahay Dhaqan Soomaaliyeed oo gun dheer.


Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Dhulka ku Jiiday Doorashadii Soomaaliya ka Dhacday (Dhagayso)

Prof. Ahmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlaayay kulan loo sameeyay Haweenkii ku hadhay doorashooyinkii isku sidkannaa ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, ayaa waxa uu sheegay in adduunka oo dhan ay ka taagan tahay arrinta in Haweenka laga qayb-geliyo Siyaasadda, isagoo sheegay in xitaa Maraykan ay ka jirto arrintaasi, balse waxa uu sheegay in Somaliland ay meel xun oo aad u hoosaysa ay ka joogto arrinta Haweenka.

"Arrinta Haweenka ku saabsan, adduunyadda meel aannay ka taagnayni ma jirto. Anigu Maraykan baan ka imid laba toddobaad ka hor siddaas baa la isugu hayaa Haweenkii inay hellaan Xaqooddii oo ay Siyaasaddii qaybtoodda yeeshaan, waase la is dhaammaa mooyee waa su'aal adduunka oo dhan ka taagan, laakiin dalkasta si bay u taabataa.

Saddex arrimood baa adduunyaddan maanta wareer ku ah oo horyaalla oo kala ah Arrinta Haweenka, Arrinta cunsuriyadda oo Maddow iyo Caddaan ah, oo dagaalka ugu wayni Maraykan ka taagani waa taa la isku haysto Caddaan iyo Maddow. Arrinta saddexaadna waa Dhaqaalaha weeye oo ah in dheregtay iyo in Bakhtiyaysa oo Busaarad, Gaajo iyo Xanuuno u dhimanaysa, laakiin markaad xagga Soomaalideenna u soo noqoto meel xun baynu naalnaa markaynu eegno arrinta Haweenka, markaa maanta uun maaha, balse waa arrin muddo soo jirtay oo ah Dhaqan aad u khaayis ah, markaa arrintu waa Dhaqan Soomaali oo gun dheer, markaa caddaadiska Dumarka iyo Qabyaaladuna way isku xidhan yihiin, markaa haddaan Qabyaaladdaas wax laga qabanna waa Biyo col dhaanshay wixii deddaal la soo sameeyay.

Anigu Haweenkii doorashadda galay ee u tartamaayay golaha Wakiillada waxaan aqaannaa laba Haween ah waanna Sucaad iyo Sacdiya waxay labadoodu ka aqoon badan yihiin Ragga Somaliland jooga, haddana waa kuwaas soo bixi karri waayay, markaa waxay ku tusaysaa taasi inay jiraan wax wayn oo xitaa Xukuumadda ka wayn inay albaabka innoo fadhiyaan, markaa taa siddii loo furfuri lahaa way inna hor taallaa." Ayuu yidhi Prof. Ahmed Ismaaciil Samatar.

Loading...
Loading...