Madaxweyne Muuse Biixi Maka Faa,iidaysan Doonaa Marwo Sucaad Ibraahin Sidii Uu Obama Uga Faa,iidaystay Wasiirkiisii Arimaha Dibada Hillary Clinton...W/Q Cabdinaasir Caraale

0
Sunday June 20, 2021 - 18:38:18 in Articles by
  • Visits: 1698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Maka Faa,iidaysan Doonaa Marwo Sucaad Ibraahin Sidii Uu Obama Uga Faa,iidaystay Wasiirkiisii Arimaha Dibada Hillary Clinton...W/Q Cabdinaasir Caraale

    Madaxweyne Muuse Biixi Maka Faa,iidaysan Doonaa Marwo Sucaad Ibraahin Sidii Uu Obama Uga Faa,iidaystay Wasiirkiisii Arimaha Dibada Hillary Clinton...W/Q Cabdinaasir Caraale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Maka Faa,iidaysan Doonaa Marwo Sucaad Ibraahin Sidii Uu Obama Uga Faa,iidaystay Wasiirkiisii Arimaha Dibada Hillary Clinton...W/Q Cabdinaasir Caraale



Mahad oo dhami allah ayaay uu sugnaatay dhamanteed , Marka labad waxan Hambalyaynaya Madaxweynaha Jamhuuriya Somaliland iyo shacabka gobta ah ee sida bilaa turxaanta uu hirgeeliyay uuna ilaaliyaay midnimada iyo sharafka qarankan 30 jirsaday.


May be an image of 4 people and people standing

Doorashadii kadib xisbiga Muxafaadka ee kulmiye waxa uu heelay fursado uu kaga hortagayo isbahaysiga labada xisbi mucaraad ee Waddani & Ucid , taaso oo tusaale loo soo gadan karo shaxdii uu ka dhigay caasimada gobolka saxiil goleeheda deegaanka Ee Berbera taaso oo degmada labad ee uu qiimaha badan dhaaman degmo dooroshoyinka Somaliland , taaso uu ugu goysay awoodi aay isbidaayen xulafada aay ku midooben labada xisbi mucaarad , iyaado oo dadka siyaasada shaxdeeda falageeya 2 ku doodayan hadii aay Berbera gacantii isbahaysiga mucaraadka ka baxday in shirguudonkuna ka baxayo gacantooda .

Madaxweynihii Madooba ee Maraykanka ayaa waxa uu isticmalay siyaasad ah in uu ka faiidaysto dadka kartida leh (Utilization Potential Person) ee ku guul daraystay tartanka doorashada siida Hilary Clinton oo loolan adag uu gashay Kursiga Madaxweynimada ee dalweynaha Maraykanka. Guulo badan oo siyaasada ariimaha dibada maraynkanku ka gadhay sanadiihi 2009- 2013 waxa sabab uu ahayd Hilary Clinton , wana sabaabta Hillary Clinton maraykan dheexdiisa lagu tilmaamo ( Hawk of Foreign Policy ) .

Hada madaxweyne Muuse Bixi isago ka faiidaysanay khaladadka siyaasiga ah ee aay ku dhaceen isbahaysigu , Ma xulaan doona xukumaadisa Marwo Sucaad Ibrahim Abdi oo ah diamond ka dheex ifaysaay haweenka Somaliland iyo Xisbiga Waddani , taaso ah qof amiinsan qaranimada Jamhuriyada Somaliland . Saddexdan sababood ayaa uu madaxweynuhu uga faiidaysan doona Khibrada Sucaad Ibrahim Abdi.

1. Suaad Ibrahim Abdi soddonkii sano ee Somaliland jirtay waxa aay ka shaqaynaysay ariimaha bulshada iyo dooroshoyiinka , taaso oo uu sahlaysa iin waxa badan ka qabato duurufaha ka jiira wadaanka sida , waxabarashada tayo uu sameeynteeda , koru uu gadiida fahamka dawladniimada iyo horumariinta bulshada nugul sida Haweenka iyo dhaliinyarada.

2. Suaad Ibrahim Abdi Waxa kamid tahay dadka faro ku tiiriska ee doonaya in maskaxdooda iyo muruqoda geeliyaan wadankan yar ee aad dhaqaliihisu uu lito , iyado oo la aragtii ah xubnaha ugu firfircon Golaha Wasiirada xukumada madaxweyne Biixi ah wasiirada uugu aqoonta badan golaha siida wasiirka maliiyada Dr. Sacad Ali Shiire , Wasiirka Malgashiga Maxamed Axmed Cawad iyo wasiirka deeganka Marwo Shukri Bandare . 246 mudane ee isku soo sharaxay aqalka wakiilada Somaliland , Suaad waxa ahay qofka kaliya ee fahamsan 100% shaqada tala golaha mid dhamatay iyo mid qabyo ah labadaba .

3. Sababta saddexadna waxa weye Suaad oo fahamsan Qab-dhismedka qabyada ah ah ee uu xisbiga waddani uu sameysan yahay , ogna qabyada ka dheexjiirta xisbiga hoogankiisa kala duuwaan , tasoo oo uga faiidayn karto xisbi xakiimka iyo xukumada . Suaad waxa kartidaada iyo miisankeeda dareemay shacabweynaha Hargeisa mudadii ay sharaxneed , ka dib markii aay ku qanceen barnamiijkeeda siyaasiga ah ee aan ku dhiisnay dumin ee ku dhisna dal dhiska iyo horumariinta xeerarka bulshada uu assasiga ah.

Saddexda Sababod ee iyo qar kale oo badan oo halkan ku soo koobi kariin waxa ay madaxweynaha tusaayan in uu ka faiidaysto dheemantii uuxisbiga Waddani Lumiyay.

Gabo gabo :

Sucaad Ibrahim Abdi waxay ay heystaa quluubta dadka deegan hawdka Ee ay ku abtirsato waan qof Saameyn taaban oo toosa ku dhex leh waa mid hanan karta xilkasta oo loo igmado .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...