Xisbiga Ucid Oo Fariin U Diray Xildhibaanada Cusub Ee Golaha Wakiilada Somaliland

0
Sunday June 20, 2021 - 18:11:31 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Ucid Oo Fariin U Diray Xildhibaanada Cusub Ee Golaha Wakiilada Somaliland

    Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid oo faah faahiyey fariinta ku socoto golaha cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid oo faah faahiyey fariinta ku socoto golaha cusub


Hargeisa(HWN):-Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi ayaa ka hadlay guulihii ay Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ay ka soo hooyeen Doorashooyinkii isku sidkannaa ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.


Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi waxa uu wax laga xumaaddo ku tilmaamay in Xukuumadda Muuse Biixi ay u jawaabto Culimadda awdiinkii ka hadlay Laaluush ay Xildhibaannada cusub kula dhex wareegayaan.
Halkan Ka Daawo Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Mudane Yuusuf Kayse Cabdillahi Oo Ka Hadlay Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Sida Ay U Socoto | Xibiga Ucid

"Waxaan Xalay daawannaayay Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa oo u jawaabaaya Culimadda, isla markaanna ku faannaaya Doorashaddii goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka maannaan faro-gelin, markaa haddaan ku horreeyo qoddobka faro-gelinta waa Been cad Xukuumaddu way faro-gelisay doorashooyinkii dhacay, waxaannad ogaydeen in la xidh-xidhay Murashaxiintii Xisbiga UCID ee imikanna magaalada jooga, iyaddoo aannay jirin wax danbi ah oo loo haysto, sababtuna ay ahayd uun in laga reebo Murashax ku jirey Xisbiga KULMIYE uun, sidaa daraadeed Xukuumadda iyo Xisbigeedda KULMIYE way faro-geliyeen Doorashooyinkii isku sidkannaa ee inoo dhacay, tiradda ka dhiman Xisbiga UCID ee Sagaalka Xubnood ah waa Xildhibaannadii Xisbiga UCID laga xidh-xidhay.

Qoddobka 2aad haddaan ka hadlo waa Xaarraan in Culimadda wax laga sheegaa, Culimaddu waxay innoogu jiraan halkii Anbiyadda, markaa Culimaddu xaqa ayay sheegayaan, waxa ay sheegayaan in Laaluushku xaarraan yahay, waxay sheegayaan waxkastoo ummadnimadda ku xun, markaa waxaan leeyahay Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu haka Xishooddaan Culimadda sharafta leh ee dalkeenna."

Shirguddoonka golaha Wakiillada Somalilaand waxa ku tartamaaya laba Xildhibaan oo sharaf leh oo labaduba qiimo badan leh, laakiin waxa la isku hayaa keebbaa ku habboon, anigu haddaanu mucaaridka nahay waxaannu wadanaa Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif. Horta dalka faa'iiddo wayn baa ugu jirta in Xisbiyadda mucaaridku ay Shirguddoonka golaha Wakiillada qabsaddaan, Xukuumadduna waxa ay heli doontaa cid la xisabtanta oo ku daba-gasha Masuuliyaddaha ay ummadda u hayaan. Golaha Wakiilladana waxaan leeyahay waxaad kala doorataan in Aqoontiina sarre loo qaaddo, Miisaaniyaddiinu badato iyo inaad noqotaan dhadhaar ka mida Xukuumadda uun." Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi

Loading...
Loading...