Ex-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Oo Dhaliilo U Jeeddiyay Isbahaysiga WADDANI Iyo UCID

0
Sunday June 20, 2021 - 16:58:37 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Oo Dhaliilo U Jeeddiyay Isbahaysiga WADDANI Iyo UCID

    Ex-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Oo Dhaliilo U Jeeddiyay Isbahaysiga WADDANI Iyo UCID

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Oo Dhaliilo U Jeeddiyay Isbahaysiga WADDANI Iyo UCID



Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mida Xildhibaannada golaha Wakiillada ee xilligooddu dhammaaday, ayaa waxa uu ka hadlay Xildhibaanno cusub oo ka tirsan golaha Wakiillada ee dhawaan la doortay oo sheegaayay in Xukuumaddu faro-gelin ku hayso, isla markaanna Lacag loo soo bandhigay inay qaataan, taasoo uu ku tilmaamay mid Sharci-darro ah, waxaannu ugu baaqay Xildhibaannadaas inay soo caddeeyaan oo ay Maxkamad la tiigsaddaan.


Siyaasiga Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ahaa golihii hore ee Wakiillada Somaliland waxa uu dhaliilay hannaanka hoggaaminneed ee Hoggaamiyeyaasha Xisbiga mucaaridka ah, kuwaasoo uu sheegay inaanay lahayn Han ay ku gaadhaan Kursiga ugu sarreeya dalka.

Sidoo kale, Siyaasi Ibraahim Mahdi Buubaa waxa uu isbarbar-dhig ku sameeyay Isbahaysiga ay samaysteen Xisbiyadda mucaaridka ee WADDANI iyo UCID iyo isbahaysigii ay samaysteen 2005-tii Xisbiyadda KULMIYE iyo UCID.
Daawo:

"Qofka lacag loola yimid ee isagu caddaynayaa waa inuu Maxkamadda horteedda ka caddeeyaa arrintaas, laakiin Anigu waxaan u arkaa arrin dacaayad ah oo aan xaqiiq ahayn, waayo haddii ay jirto in Xildhibaan lacag loola tagay oo la yidhi qaaddo oo codkaaga na sii, waxaan qabaa inuu Maxkamadda ka dacweeyo oo uu caddaynteedda keenno, waanna danbiile qofka waxaas la yimaadda, laakiin arrinta xod-xodoshaddu waa caaddi oo Sharcigaa fasaxaaya, Xildhibaanka idinkoon isku xisbi ahayn oo laba Xisbi ka soo kala baxay ayaad israaci kartaan oo aad Mabda'a ahaan isku raaci kartaan oo aad Shirguddoon wada dooran kartaan, waanna wax Sharcigu innoo banneeyay, balse Laaluush ciddii haysaa maaha inay Bulshadda la dhex timaaddee waxaynu leennahay Hay'addihii Garsoorka, markaa waa inay talaabo ka qaaddaan ruuxii falkaas la yimid."

Isbahaysigii berrigaasi waxa uu ku salaysnaa Xisbi doonnaaya innuu helo Kursiga dalka u sarreeya iyo Xisbi doonnaaya innuu helo wixii intaas ka hooseeya sida Guddoomiyaha golaha Wakiillada iyo wixii ka sii hooseeya, balse isbahaysigan hadda labadda Xisbi mucaarid wada samaysteen ee WADDANI Iyo UCID inaan midkoodna aannu Hankiisu gaadh-siisnayn inay gaadhaan Kursiga u sarreeya dalka ee Madaxweynaha oo aad mooddo inaanay rajo badan ka qabin-ba, taasinna waa ta keentay in heshiiskaasi uu meelo badan ka socon waayo oo isku khilaafeen, oo meelaha qaarkood waa ta keentay inuu Xisbiga WADDANI wada qaato Maayarkii iyo Ku-xigeeenkiisiiba, waa ta keentay in meelaha qaarkood uu wada qaato Xisbiga UCID, meelaha qaarkoodna ay kala qaybsaddaan, laakiin marnaba heshiiskii Xisbiyaddu wada galeen siddii uu ahaa looma fullin, ee waxay ahayd mid ka timid Xildhibaannadii ku soo baxay goleyaasha deegaanka oo iyagu gudahoodda isku qanciyay iyagoo aan ka eeggayn dhinaca Xisbiyadda oo ka eeggaaya dhinaca beelaha in laba Xubnood oo isku Xisbi ka soo baxay ay wada qaaddan karraan hoggaanka golaha Deegaanka, markaa lama odhan karo waa mid ku timid heshiiskii ay wada-galeen labadda Xisbi mucaarid ee waa mid ku timid Xildhibaannadii ku soo baxay goleyaasha deegaanka oo iyagu wax ku qaybsadday habkii qabaliga ahaa.

Waxaad ku garanaysaa inaanu heshiiskaasi dhaqan gelin Kursigii u sarreeyay golaha Wakiillada ayaa wali mugdi kaga jiraa labadda Xisbi mucaarid, iyagoo weliba leh aqlabiyaddii Xildhibaannada golaha Wakiillada haysta, oo isbahaysigooddu uu wax wayn ka badali lahaa, isla markaanna ay ku qabsan kari lahaayeen Shirguddoonka golaha Wakiillada, ilaa haddana uma cadda arrintaasi oo wali mugdi badan ayaa kaga jira inay qabsan karraan Shirguddoonka Wakiillada iyo in kale." Ayuu yidhi Siyaasi Ibraahim Mahdi Buubaa

Loading...
Loading...