Ardayad Shalay Ufadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Somaliland Oo Geeriyootay

0
Sunday June 20, 2021 - 15:40:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ardayad Shalay Ufadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Somaliland Oo Geeriyootay

    "Dhacadaan ayaa waxaa si weyn uga naxay qoyska gabadha geeriyootay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhacadaan ayaa waxaa si weyn uga naxay qoyska gabadha geeriyootay"

Burco (HWN) Ardayad kamid ahayd ardaydii Shalay ufadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland ayaa ku geeriyootay Barkad nooca biyaha laga cabo ah oo ay ku dhacday.




Barkadan oo ku taala degmada Warcimraan ee Gobolka Togdheer ayay dadka deegaankaasi sheegeen in ardayada Geeriyootay oo lagu magacaabi jiray Samiira ay barkada biyo ka dhaaminaysay xiliga ay ku dhacday, taasi oo ayna ku guulaysan in ay badbaadiyaan dadkii ugurmaday.


Sidoo kale gabadh la socotay Samiira Axmed ayaa iyana ku dhacday Barkada laga cabo biyaha ee ku taalla degmada Warcimraan ee Gobolka Togdheer, waxaana gurmad la sameeyay lagu guuleystay in lasoo badbaadiyo gabadhaasi labaad.


Alle ha u naxariistee Samiira Axmed ayaa kamid aheyd Ardaydii shalay u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.


Dhacadaan ayaa waxaa si weyn uga naxay qoyska gabadha geeriyootay, iyo guud ahaanba dadka deegaanka, waxaana sidan oo kale deegaano ka tirsan Somaliland ay Carruur horey ugu geeriyoodeen Barkad laga cabo biyaha oo ay ku dhaceen.

Loading...
Loading...