Faallo:-Maayirrada iyo Ku-xigeennadoodda Oo Lagu Kala Guulaystay!

0
Sunday June 20, 2021 - 15:42:55 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Maayirrada iyo Ku-xigeennadoodda Oo Lagu Kala Guulaystay!

    Hargeisa(HWN):-Waxa inta badan lagu kala calaf-qaadday loollankii iyo Hirdankii ay Xisbiyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Waxa inta badan lagu kala calaf-qaadday loollankii iyo Hirdankii ay Xisbiyadda

Hargeisa(HWN):-Waxa inta badan lagu kala calaf-qaadday loollankii iyo Hirdankii ay Xisbiyadda mucaaridka iyo Xukuumadda u dhaxeeyay, kaasoo salka ku hayay siddii loo kala qabsan lahaa Maayirrada lixda gobol ee darajaddoodu Grade A-da tahay, iyo Shiruguddoonka golaha Wakiillada Somaliland.
Guddoomiyayaasha Xisbiyada Somaliland - Sayruuq News


Waxaanna magaallooyinka waa wayn ee Hargeisa, Ceerigaabo, Laascaannood iyo Boorama Maayirradoodii ku guulaystay Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, halka uu Xisbiga talada haya ee KULLMIYE ku guulaystay Maayirrada magaallooyinka Berbera iyo Gabiley, iyaddoo uu Xisbiga UCID-na ku guulaystay maamulka golaha deegaanka ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.


Hadda waxa kaliya ee tartankiisu hadhsan yahay, isla markaanna aan lagu kala Calaf-qaaddin waa Kursiga u sarreeya golaha Wakiillada Somaliland, kaasoo ay ku hirdamayaan Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif oo ka soo baxay Xisbiga WADDANI iyo Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo ka soo baxay Xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Kursiga u sarreeya golaha Wakiillada Somaliland waxa uu noqonnayaa mid ay si wayn ugu dagaalamaan Xisbiyadda mucaaridka ah iyo Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi, iyaddoo uu hore u sheegay Muuse Biixi innuu dhisaayo Xildhibaan Faratoon, balse hawl fudud maaha oo waxa halkaas jira isbahaysi xooggan oo haysta aqlabiyadda Xildhibaannada golaha Wakiillada ee Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waxaynu eeggi doonnaa cidda ugu danbayn ku guulaysata Kursiga Shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland.

Loading...
Loading...