Qiime sameynta bahalnimada ah

0
Sunday June 20, 2021 - 11:09:57 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiime sameynta bahalnimada ah

    Qaabka loo sameeyo qorshahaan ayaa ah in ugu horreyn ay shirkada weyn hoos u dhigto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaabka loo sameeyo qorshahaan ayaa ah in ugu horreyn ay shirkada weyn hoos u dhigto


Waa istiraatiijiyad ay adeegsadaan shirkadaha ladan iyagoo ka leh Hal ujeedo taasoo ah in ay ka macaashaan suuqa kuna maamulaan, waa fikir bahalnimo ah oo uu suuqa xorta ah (capitalist market) ka caawinaayo kambaniyadaan inuu u hirgalo danahooda tasoo ugu danbeyn dhaxalsiineysa in uu sicir barar ku dhaco suuqa misana kordho qiimaha walxaha ay markaas shirkada soo saarto.

Qaabka loo sameeyo qorshahaan ayaa ah in ugu horreyn ay shirkada weyn hoos u dhigto qiimaha wax soo saarkeeda oo ay qaadato khasaaro laakin ay ku qasabto ganacsiyada yaryar ee iibiya isla product-gooda in ay iyagana hoos u dhigaan qiimaha taasoo sababaysa in ay u dulqaadan waayaan khasaaraha oo aysan xammili karin sida shirkada weyn, waxayna ku qasbeysaa ganacsatadaan yaryar in ay suuqa isaga baxaan maadaama aysan awoodi karin costs-ka ku baxaya product-ga iyo iyagoo heysan dhaqaale xoog leh oo ay isku kabaan.

Intaas kadib Shirkada weyn oo markaan joogta (monopolistic position) ay suuqa ku maamusho ayaa waxay sare u qaadeydaa qiimaha wax soo saarka iyadoo geyneysa heer kii caadiga ahaa iyo mid ka sareeyay maadaama uusan jirin "competitive market" iyadoo si dhakhsi ah kaga soo kabsaneysa khasaarada gaartay kuna sameyneysa labo laab faa'iido ah.

Waxay inta badan qiime sameyntaan bahalnimada ah ka dhacdaa tuulooyinka, magaalooyinka yaryar, wadamada musuq maasuqa hareeyay iyo qeybo badan oo ka mid ah suuqyada capitalist-iga ah waloow ay ku hareeraysan yihiin halisyo fara badan oo laga yaabo in dadka sameynaya ay kusoo wareegato iyagana ay ku dhacdo bankruptcy ay kaga baxaan suuqa.



Brahim Hassan


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...