Ila Qosol ...... Cabdullaahi Maxamed Cumar

0
Sunday June 20, 2021 - 10:43:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol ...... Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Nabad akhristayaal,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad akhristayaal,

Waqti ku beegnaa 1970 naadkii, ayuu nin Soomaali ahi u doofay dalalka Carabta - si uu uga soo shaqaysto. Markii uu soo xoogsadayna, lacag ayuu soo diray oo uu yidhi, " Waan imanayaaye guri weyn ha la ii sii dhiso". Waxana looga dhisay magaalo ka mid ah magaalooyinkii dalkii Soomaaliya, guri shan maqsin (qol) ah.



Muddo kaddib, ayuu ninkii soo degay - isaga oo jannaale ah oo xoolo badan sita. Woxogaa markii uu joogeyna, gabadh ay ehelo ahaayeen ayuu guursaday oo uu ku aroostay gurigii loo sii dhisay.
Ninkii guursadey wuxu jeclaystay, in uu u yeedho aabbihii oo degganaa tuulo aan magaalada ka fogeyn - si ay isku waraystaan inta uu joogo. Odaygii oo loo farriin diray, ayaa maalintii dambe yimid. Markii ay is waraysteenna, aabbihii wuxu isku dayey; in uu iska carraabo oo uu tuuladiisii iskaga noqdo.


Wuxuuse inankiisii ka codsaday, in uu la joogo oo ay iska sheekaystaan!
Odayga oo salaadxafid ahaa, ayaa dhawr jeer u holaday (kacay); si uu u soo darabyeesho (istijoodo). Wuxuse garan waayey, meel uu ku xaajo guto. Dabadeedna isagoo hadalka hoos u dhigaya oo is leh, ayay haweenku ku maqlin; ayuu inankiisii ku soo noqday oo weydiiyey, " Aabbo halkee ayaad ku xajo gudataan?"


Inankiina wuxu si caadi ah ugu tilmaamay, halkii suuligu ku yaalley. Odaygii oo weysadiisii sita, ayaa galay halkii loo tilmaamay. Wuxuna arkay god yar oo meesha ka qodan oo weliba wax ka soo urayaan oo qoyaanna u dheer yahay!


Dabadeedna, Odaygii intuu garan waayey; wuxu sameeyo ayuu meeshii isaga soo baxay - isaga oo yaabban!


Odaygii habeenkii iyo maalintii oo dhan ayuu kaadidii haystey oo aan cidina ogeyn. Markii dhibaatadaasi qabsatayna, wuxu go'aansaday; in uu subaxa hore ka kallaho oo uu ku noqdo tuuladiisii.


Haddaba, markii uu salaaddii subax tukadey, ayuu ambabaxay - si tuuladiisii ugu noqdo. Haweenkii oo arkay, in uu ambabaxay ayaa qureec siiyey. Waxana loo soo toosiyey inankiisii oo loo sheegay, in uu aabbihii diyaar yahay. Inankii ayaa u soo kacay oo aabbihii ku yidhi, " Aabbo xilligan xaggeed tageysaa, miyaad iska bariisatid?"


Odaygii ayaa ku jawaabey, " Aabbo, anigoo galoolkii iyo gobkii meel heblaayaley haysta; godkaa yar haweenka wadaagi maynee, ha igu daalin!"



Maxaan la is aqoon! Ninba timo xamar!

Cabdullaahi Maxamed Cumar
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...