Xaraarada Tartanka Shirgudoonka Wakiilada Oo Meel Adag Maraysa Iyo Aragtiyaha Laga Bixinayo Faratoon Iyo Khaliif

0
Sunday June 20, 2021 - 10:16:28 in News by
  • Visits: 3157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaraarada Tartanka Shirgudoonka Wakiilada Oo Meel Adag Maraysa Iyo Aragtiyaha Laga Bixinayo Faratoon Iyo Khaliif

    Xaraarada Tartanka Shirgudoonka Wakiilada Oo Meel Adag Maraysa Iyo Aragtiyaha Laga Bixinayo Faratoon Iyo Khaliif

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaraarada Tartanka Shirgudoonka Wakiilada Oo Meel Adag Maraysa Iyo Aragtiyaha Laga Bixinayo Faratoon Iyo Khaliif

Hargeysa(HWN):-Waxaad, Moodaa in Xaraarada Xiisada Loolanku, Meel Adag gaadhey Kadib markii Jimcihii Shaley Khudbadda Salaada Jimce ay Kusoo Qaateen, Qaar Kamid ah Culimada Waaweyn ee Somaliland, iyo Xildhibaano Katirsan Culimada oo ah Ragii Kusoo Baxey Doorashada Golaha Wakiiladu, taas oo Noqonaysa Markii u horeysay ee nooceeda ah oo Masaajidada lagaga hadlo Mawducaas, iyadoo Sigaar Loo Xusey Laaluush la Siinayo in Xildhibaanada Mucaaridka ah Xukuumadu ugu gacan haadinayso Mustafeyn Codkooda Gacantaaga ah ee Doorashada Gudoomiyaha Lagaga iibsanayo, Waxaana ka hadley Xildhibaanada Soo baxey badhkood oo Sheegay in Wasiiro Ku Baayaceen Lacag.
Deg Deg:- Prof. Yaasiin X faratoon iyo Cabdirisaaq Khaliif, Midkee Mudan inuu Noqdo Gudomiyaha G..? - YouTube


Sikasta, oo ay Arintaasi Tahey, Waxa Maalmihii u Dambeeyay, dood badani ka dhalatey Sida Tusaale looga Bixinayo Sooyaalka Xilalkii uu soo Qabtey Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(faratoon), Xukuumadihii Somaliland Islamarkaana, looga Xigtaysanayo Cabdirisaaq Khaliif oo ay dadka Qaarkii ku Sheegayaan, in uu Saaxada Siyaasada Somaliland soo Galey Wakhtigii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ee uu Shanta Sano Wasiirka ka ahaa, Waxaana hadalhaynta Bulshada dhexdeeda, ee Qadiyadan ku Sahabsan ay Qeybo badan oo shacabka kamid ahi u arkaan in ay tahey qiimayn Khaldan oo Taageerayaasha Xisbi Xaakimku ka dheegteen, hadalkii Madaxweyne Muuse Biixi Ku baanay, in uu Nidar Ku marayo Sidii uu Faratoon Kursiga ugu Fadhiisin lahaa Waxaanay, Kooxaha Mucaaridku Mar walba dhinacooda kasoo qaadanayaan, in Oday Faratoon Wakhti Xaadirkan Yahey, Nin Da,a ah oo u baahan in la Nasiyo, iyagoo asbaabaha ugu Waaweyn qodobada ay Daliishanayaana Hordhac uga dhigaya, hadii Faratoon oo Hawlgab ah Wakhtigan, Mudo dheerna Soo shaqeeyay Heer Mucalinimo, iyo heer Siyaasadeedba ay dhacdo in uu Golaha hogaamiyaa Waxaa Suurtagal ah in uu Bari Ka Maalin kala garan Waayo Xubnaha Xildhibaanada Aqalka Wakiilada ee uu Gudoomiayaha u yahey, Sidoo kalena uu Mid Walba ku Yidhaahdo "Kumaad Aheyd Adigu" Sidaa Daraadeedna uu Sikasta iyo Dhinac Kasta oo laga eego Kaga haboon yahey Gudoomiyaha Shirgudoonka Cabdirisaaq Khaliif oo isagu Wakhtigan u Muuqda mid Gudan Karaya Hawlaha Shaqo ee Shirgudoonka iyo Gudoomiyaha oo aanay dhacayn in Mudanayaasha Sideetanka ahi iskaga Khaldamaan Marnaba, una garan karro Xildhibaan Hebel, iyo Xildhibaan hebel.

Waxa kale oo Dooda Taageerayaasha Mucaaridka u Labeeya Qodobada aynu Soo Sheegnay, in ay Mar Walba Khalad Tahey in Arinta Qadiyada Somaliland iyo Aaminasaanteeda, lagu kali Yeelo Faratoon Haseyeeshee, taasi tahey mid ay u Siman Yihiin Cabdirisaaq Khaliif iyo Oday Faratoon, Qodobkaasi yahey mid jaban, iyo Daliil khaldan Maadaama ay Suurtagal Tahey in talaabada Noocaas ahi Saamayn Ku Yeelan Karto, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahan Cusub oo Da, yar Kana Soo jeeda Gobolada Sool iyo Beesha Dhulbahante, in ay Ka Niyad jabto Somaliland iyo Doorkeeda Siyaasadeed taas oo ay Mar Walba ka Fiican Tahey, in La Xiisad Galiyo Tartankooda, oo Dimuqraadiyada iyo Nidaamka Geedi Socodka Siyaasadeed Ee Somaliland Door Qiime leh Tusaale Looga dhigo, Si Loogu Dhiirado Doorashooyinka iyo Mustaqbalka Siyaasadeed.

Gabagabadii Waxa ay Su,aal Muhiim ahi Ka Taagan Tahey, Maadaama Aqlabiyada mudanayaasha Lasoo Doortey, Xisbiyada Mucaaridku haystaan Xisbiga Kulmiyena Haysto 30 Mudane, hadii aqlabiyada Laga qaato Xukuumadu Ma adkaysanaysaa Tartanka Xalaasha ah ee laga filayo in lagu Loolamo Mise, Waxa ay la iman Doontaa, Talaabooyin Aan Munaasib ku ahayn Waafaqsanayna Xeerka Doorashada Shirgudoonka Aqalka Wakiilada?

Loading...
Loading...