Diintiyo Dhaqanka suuban .... by abdirashid osman.
mujtamacaadkaa farahabadan ee koonkan ilaahay ku abuuray ee jinsi iyo caqiidaba ku
mujtamacaadkaa farahabadan ee koonkan ilaahay ku abuuray ee jinsi iyo caqiidaba ku kala duwan hadana waxay wadaagaan mid kulmisa oo ah ta bini aadamnimada o gaal iyo muslim aan lagu kala tegayn ,fikrado badan iyo mucaamalaad badana ay wada wadaagaan ilaa xataa ay thaqaafado badan isu gudbiyeen oo qoloba qolada kale ku talaashay dhaqankeeda wax ka mida.
kala duwani hadana waxay
wadaagaan mid kulmisa oo ah ta bini aadamnimada.
mujtamacaadka caalamka ku noole mid
waliba wuxuu leeyahay caadooyin iyo dhaqan u gaara oo uu ku dhaqmo,
haday noqoto mid soo jireena ama mid (muktasaba) oo meelo kale uga soo
gashay lana falgashay dhaqankiisii asalka ahaa.
mujtamacaadkaa farahabadan ee koonkan ilaahay ku abuuray ee jinsi iyo caqiidaba ku kala duwan hadana waxay wadaagaan mid kulmisa oo ah ta bini aadamnimada o gaal iyo muslim aan lagu kala tegayn ,fikrado badan iyo mucaamalaad badana ay wada wadaagaan ilaa xataa ay thaqaafado badan isu gudbiyeen oo qoloba qolada kale ku talaashay dhaqankeeda wax ka mida.
hadaan ku soo dhawaado mowduuca
maanta isoo jiitay ee aan jeclaaday inaan wax yar ka idhaahdo ,markaan
arkay bulshada somaliland si gaarana u diraasadeeyey, waxaynu nahay
horta mujtamaca islaamiya laguna tiriyo ama inaynu asal ahaan ka soo
jeedno jinsiga carabta,si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata inaynu
carabta waxyaalo badan wadaagno marka laga yimaado diinta, thaqaafado
iyo dhaqano badana iskaga midnahay meela kaloo badana kukala duwanahay.
sidaan hore u soo sheegay dhaqanku
waa mid mujtamaca u asala oo soo jireena iyo mid uu ka kasbado
mujtamacaadka kale oo uga timaada taasina waxay ku timaadaa is dhexgalka
iyo aqbalaada mujtamacaadka kale thaqaafadooda,waxaa hadaba bulshada
somaliland si gaara markaan uga hadlo ay ku sifoobeen inaanay ahayn dad
jecel is dhexgalka ama kumilanka mujtamacaadka ay la noolyihiin ama ka
soo dhex gala bulshadooda oo ay takooraanba soo dhawayna hadalkeedaba
daa,halkaa markaa waxaa ka baxaysa thaqaafadihii mujtamacaadka kale ee
muktasabka ahaa oo inagu yar, dhaqanka ama culture kuna wuxuu hodan ku
noqdaa markuu kala duwanyahay ama uu leeyahay noocyo badan waana ta
bulshada ka dhigta mid ka tilmaaman mujtamacaadka kale(,markaa leeyahay
dhaqanka soo galeetiga ah maaha ka xun ee waa ka wanaagsan ee dadkeena
iyo diinteenuba aqbalaan).
maanta waxaan jecel
ahay inaan laba shay oo inagu yar oo runtii aan bulshadeenu aanay
ahamiyad siin diinteenuna dhiiri geliso danimaduna ku dhisanto ayaan in
yar wax ka odhan lahaa.
1-Thaqaafatul ixtiraam,markaan sidaa
leeyahay maaha ixtiraam malaha ama kuma dhaqmo mujtamaceenu lakiin waa
mid aan ku saluugay oo aan ahayn sidii loo baahnaa waana mid caama oo
wax waliba soo galaan,hadaan misaal soo qaato ixtiramka ra,yiga qofka
kale iyo fikirkiisa waa mid aan aad inoogu yar waxaanaynu bedel keeda
taa noqotay burinta iyo diidmada ra,yiga qofka kale haday noqoto
siyaasiyiin ,aqoonyahano ama mujtamaca intiisa kaleba,waxaad moodaa
inaynu qofba qofka kale ra,yigiisa wuxuu doono ha noqdee inuu inuu
tirtirayo oo aanu waxba ka soo qaadin.
waxaad kaloo
arkaysaa da,dii oo aan laysku ixtiraamayn ,aqoontii,waaya
aragnimadii,indheergaradnimadii,waxyaalaha yaryar ee aad is odhanayso
mujtamaca maxaa ka siya qof yar oo qof ka da,wayn faraha ku taagaya bal
aflagaadaynaya iyo waxyaalo kaloo badan oo ay ka midyihiin:
A-thaqaafada dulqaadka ama isu
dulqaadashada
B-thaqaafada wakhtiga, waxaynu
ogsoonahay in wakhtigu inta badan inagaga lumo wax aan inoo
dan,ahayn,halka mujtamacaadka kale ka ilaashadaan daqiiqadaha inagu
saacado ayeynu luminaa kuna luminaa waxyaalo dhib inoo gaysta sida
(QAADKA).
C-thaqaafada tarbiyada caruurta ,waa
mid aynu kanahay sabool ,waxaa cadaana oo aynu aragnaa ilmaha gurigiisa
lagu tarbiyadayn waayo suuqa ama debedaa tarbiyadaysa ,taasna
cawaaqibkeeda waynu ognahay.
D-thaqaafada hadalka,waxaynu nahay
bulsho hadal badan lakiin ficilyar ,hadii meel laysugu yimaado waxaa
laga yaabaa inaynu hadalo saacado ama ayaamo lakiin marka lagu kala
dareero aan waxba ka soo bixin,halka umadaha kale ilaaliyaan ajandaha
hadalka iyo inta ka hadlaysa yagoo door bidaya waxa ka soo bixi doona.
F-thaqaafada balan oofinta,waa mid ka
mida diinteenu waxay ina fartay ,maahmaaho badan baynu ka naahaa
laakiinse kuma dhaqano.
waxyaalahaa iyo qaar kaloo badani waa
kuwo u baahan inaynu ilaalino,bulshow ogow diinteenaana intaa iyo
inkabadanba ina fartaye,waxaanad moodaa mujtamacaad aan muslim ahayni inay intaa iyo in
kabadan ba ku dhaqamaan oo diinteenu inagu dhiiri gelisay.
2-ta kale ee aan jecel ahay inaan
xuso yaduna waxaa weeye THAQAAFADA IXTIRAAMKA QAWAANIINTA IYO KALA
DANBAYNTA,waa mid aad u muhiima in mujtamacu kala ogaado in xukunka iyo
masuuliyada haysa mujtamacna aanu ka maarmin maamul iyo in u
hogaansanaata qawaaniinta iyo distoorka u yaala markaa mujtamacaa.
waxaynu ku caan
nahay inaynaan is maqlinba marka horeba iskadaa kala danbaynoo,daliilka
kuugu dhow ee aan akhristow kuu soo qaadayaa ,askariga laamiga taagan ee
cadceedaa dhacaysa iyo dhibta ka haysata macaashyarida ee hadana u
taagan siduu nidaamka ugu dhiqilahaa bulshada maraysa laamiga ee
baabuurta wata oo aan dheg loo dhigayn,bal tacadi ka soo gaadhayo iyo
aflagaado mararka qaarkood.
guntii iyo gabagabadii bulshow
waxaynu u baahanahay inaynu mujtamac dhisno caafimaadqaba intaynaan guri
iyo daar dhisan,ma rumaysanaysaan in bulshadeenu weli caydo
DIINTA,(walaa xowlilaah walaa quwata ilaa bilaah),akhristow dhaqamadaas
iyo thaqaafadahaasi maaha kuwo aynaan ku dhaqmi karaynin waayo
diinteenaaba ina fartay ,lakiin waa kuwo u baahan in horta mujtamacu u
soo noqdo diinteena suuban iyo dhaqankeenii asalka ahaa,waa inaynu
noqonaa mujtamac furfuran oo mujtamacaadka kale ka soo qaata wixii
wanaagsan ee aan diinta ka hor imanaynin,akhristow intaaba qaar baynu u
naqaanaa ceeb ku dhaqankeeda miyaanayn jahli iyo aqoon daro ahayn.
waxaan ilaahay
bulshadeena uga rajaynayaa inuu ka dhigo kuwii ku dhaqma diintooda
,dhaqankoodii wanaagsanaana ku soo celiya kuwa muktasabka ah ee
wanaagsana qaata.
allaa mahadlle ,,
abdirashid osman
[email protected]
[email protected]
Dubai
00971527626197
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...