Dareeraha Ugu Qaalisan Dunida

0
Sunday June 20, 2021 - 10:04:10 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dareeraha Ugu Qaalisan Dunida

    Suntiisa aawadii dibiqalooca waxa lagu kala iibsadaa suuqa-madoow,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suntiisa aawadii dibiqalooca waxa lagu kala iibsadaa suuqa-madoow,



Dibiqaloocu waa noole aad ugu badan dhulkeena, waxa uu leeyahay dheecaan waabay ah oo uu ku waxyeelayn karo aadamaha marka uu qaniino.

Inta badan dibiqalooca si dhibyar ayay nu u dilaa, laakiin ma ogin faaiidada uu u leeyahay dunida. Sunta dibiqaloocu waa dareeraha caalamka ugu qaalisan, 1 litir oo suntiisa ah waxa lagu kala iibsadaa $10,000,000 toban milyan oo dollar. Maadama suntiisu qaali tahay waxa jirta dhul lagu dhaqo, suntana waa laga lisaa maalinkasta, halkii dibiqaloocna maalintii wuxu dhiiqaa 1mg oo waabaayo ah.

Suntiisa aawadii dibiqalooca waxa lagu kala iibsadaa suuqa-madoow, qiimaha halkii dibiqalooc waxa lagu kala iibsadaa $50,000 konton kun oo dollar.

Hadaba waxa isweydiin mudan maxaa sidan u qaali gareeyey suntan halista badan ee laga yaabo inay qof nolosha dhaafiso, taa bedelkeeda sunta dibiqaloocu waxay badbaadin kartaa naf bini'aadam, waxa laga soo saaraa maado la yidhaahdo chlorotoxin, maadada waxa loo isticmaalaa in ay saacido aragtida burooyinka maskaxda ku samaysma. Waxa kale oo jira dawooyin badan oo ay barbilaw u tahay suntani, la'aanteedna aan waxba tareen.

Qore: Geeddi Ali (Abdirashid)


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...