Amb. Cawil Oo Muuse Biixi Dhabarka Soo Taabtay, Kana Horyimid Isbahaysiga Mucaaradka

0
Sunday June 20, 2021 - 09:58:29 in News by
  • Visits: 1835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amb. Cawil Oo Muuse Biixi Dhabarka Soo Taabtay, Kana Horyimid Isbahaysiga Mucaaradka

    Amb Cawil Oo Ka Horyimid Isbahaysiga Ay Samaysteen Xisbiyada Mucaaridka Ahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amb Cawil Oo Ka Horyimid Isbahaysiga Ay Samaysteen Xisbiyada Mucaaridka Ahi

Hargeysa(HWN):-la taliyaha Muuse Biixi  Ambassasor Xuseen Cali Ducaale(Cawil) ayaa ka hor yimid isbahaysiga ay samaysteen xisbiyada mucaaridka ah ee soamliland.





Amb Cawil oo u waramay Warbaahintu waxa uu sheegay inaanu haboonayn isbahaysiga labada xisbiga mucaarid oo uu sheegay inuu xoriyada ka qaadayo xildhibaanada ka soo baxay ee dooranaya shirgudonka golaha wakiilada iyo maayarada dalka.


Amb Cawil oo ka hadlaya isbahaysiga mucaaridka ayaa waxa uu yidhi "Asxaabta mucaaridku iyaga taariikh ka tagaya waxay ahayd inay qaataan talaabo la mid ah tan madaxweynuhu aanu ku faragelin doorashada, waxaana taariikh u noqon lahayd iyaga oo yidhaahda xildhibaanada nooga soo baxay goleyaasha deegaanada iyo wakiilada sida madaxweynaha oo kale anaguna culays saari mayno dabar xisbina ku xidhi mayno ee nin walibaisaga ayaa u madax banaan inuu dadnimadiisa iyo damiirkiisa u doorto qofka uu isleeyahay hawsha maayarada iyo gudoonka baarlamaanka.”


Amb Cawil oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "arintaasi taariikh iyo magac ayey u noqon lahayd xisbiyada mucaaridka ah, doorashooyinka danbe ee soo socdana way anfici lahayd balse taas may yeeline waxay u carareen dhinacaas iyo isbahaysi nusqaantiisa yeelan kara, dadkuna way ku farxi lahaayeen hadii ay talaabadaas qaadaan.”


Sidoo kale waxa uu ka hadlay duruufaha ka dhalanaya isbahaysiga mucaaridka "Isbahaysiguna duruufihiisa ayuu leeyahay, xildhibaanaduna way u madax banaan yihiin inay doortaan qofka ay is leeyihiin danta umada ayaa ku jirta, laakiin waxaan qabaa inay labada gudoomiye ee xisbiyada ay seegtay fursad ay taariikh ku samayn lahaayeen.”


Loading...
Loading...