Kharashka Doorashada Yaa Inagu Xukumay? Madax Adayg!

0
Saturday June 19, 2021 - 12:01:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kharashka Doorashada Yaa Inagu Xukumay? Madax Adayg!

    Bashiir Tarabbi Oogle,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bashiir Tarabbi Oogle,
Muddo ka badan sanad ay socotey wada hadalada axsaabta qaranka, waxaa meel adag iska taagey xisbiga xukuummadda ee Kulmiye, iyada oo laga waayey haba yaraatee wax tanaasul ah, arrintaas oo ka cadhaysiisay qaadhaan bixiyayaasha, oo go'aan ku gaadhey in ay iyaguna ka ciddi jiidaan deeqihii ay siin jireen Soomaalilaan, gaar ahaan kharashaadkii doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda.



Inkasta oo ay wakhti badan xukuumaddu ku lumisay arrimo gacmo daalis ahaa, haddana ugu dambayntii, iyada oo aan is hubin, waxay qabatay doorashooyin isku lamaan ( inkasta oo ay hindisihiisa lahayd xukuumaddii Axmed Siilaanyo ) oo ka dhacda Soomaalilaan tii ugu wacnayd.


Dublamaasiyad xumida, isla weynida iyo ilbaxnimo yaraanta ay badiba ka siman yihiin madaxda Soomaalida, ayaa ah waxyaabaha aadka loogu qawado hoggaamiyayaasheena, waxaase aad isugu ekaa, marka ay doorashooyinka timaado, madaxweynihii 3aad iyo kan 5aad ee Daahir Riyaale iyo Muuse Biixi ( siday u kala horeeyaan ), waxaana loo aanayn karaa in ay labadooduba ahaayeen saraakiil ciidan oo aan ku walaacin ka noqoshada go'aanka maskaxdooda.


Dabeecaddaasi waxay labada hoggaamiye ee aan xaga sare ku soo sheegay, wakhtigoodii Soomaalilaan dhaxalsiisay, hoos u dhac dhaqaale oo loo sibir saaraynayo, safarradii iyo dalxiisayaashii oo yaraaday, awoodii wax iibsi oo hoos u dhacdey, maal gashigii oo joogsadey iyo deeqihii beesha caalamka oo la surmo seegteeyey.


Xukuumadda Kulmiye waa lagu ammaani karaa in ay doorasho loo riyaaqay qabatay, wax aanay filaynin haba uga soo baxeene. Sababta doorashadu u dhacdey, waxaa ammaanteeda leh xisbiyada mucaaradka oo odaynimo, asluub iyo tanaasul badan muujiyey. Waxaase hubaal ah miisaaniyadda ku baxday doorashada, haddii raggii maali yaqaaney joogaan, inay Soomaalilaan u qaban lahayd mashaariic horu marineed.


Waxaa wanaagsanaan lahayd, sida dadku uga dagaalamaan dhaliil aanay lahayn , inay uga dagaalamaan guul aanay kasban.

Bashiir Tarabbi Oogle,
Burco, Soomaalilaan.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...