Hooyo Cabanaysa: Degdeg Ha Loogu Gurmado Hooyadan.

0
Saturday June 19, 2021 - 11:56:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo Cabanaysa: Degdeg Ha Loogu Gurmado Hooyadan.

    W/Q: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)


Hooyadani waxay ka cabanaysaa, in ay muddo ku qaadato in ay uuraysato. Dabadeedna ay muddo ka sii dheer ku qaadato in ay xaamilo ahaato oo culays badani dusha ka fuulo. Culayskaas oo ay adagtahay in ay xammisho, hase yeeshee ay nafteeda denbi ka gasho oo iska adkaysato. Muddo dabadeedna marka shinkeedu buuxsamo, xanuunkii foosha iyo dhalmadu u sii raacaan.



Hooyadani waxay leedahay, waxa aan wax u dhalayaa waa in aan wax nooleeyo, oo ubadkayga indhuhu ku qabowsadaan. Mid carruurtayda ka mid ah ayaan u ogolayn in ay intii kale noolaato oo u taagan dabargoynta walaalIhiisa kale. Majirto, hooyo u dulqaadan karaysa, in ay daawato ilmaheedii oo la gummaadayo. Kii gummaadayayna ay koriso. Hooyadani waxay leedahay; su'aalahan ayaa habeen iyo maalin ihortaagan, jawaabna aanan u hayn, qalbigaygiina dhaawacay.


A) Bal maxay galabsadeen dhirtan habeen iyo maalin la xaalufinayo oo gunta laga jarayo?

B) Bal maxay galabsadeen ugaadhan la dabargoynayo

C) Bal maxay galabsadeen, habar-dugaag iyo halaq?

D) Bal maxay galabsadeen haaddu?


Muddo waan adkaysanayey, dhowaan waxaan bilaabay in aan dhalmada yareeyo. Waxa kale oo aan go'aansaday in aan quudinta yareeyo. Sababtuna waxa weeye; dhalmada iyo quudintu waxay ku xidhan yihiin baahida loo qabo. "Haddii ubadkaygii la gummaadayo, iima muuqato, sabab aan u dhalo kuwo hor leh oo badan." Tan labaadna waa; "haddii ubadkaygii tiradoodu yaraanayso, iima muuqato sabab aan cunto badan ugu diyaariyo." Waa in aan, "hadba inta nool wax ku filan aan u diyaariyo."


Haddii gummaadka iyo xasuuqa ubadkayga lagu hayo aan degdeg looga hortegin, waxa aan qaadanayaa, tallaabooyinkan:-


1) in aan dhalmada iska tallaalo, oo aan lafahayga u nasto. Bal ninkay u daran tahay, dunidu ha ogaatee!"

2) In aan cadceedda xijaab isaga dhigo.

3) Hawo danbe oo aan kala qorsheeyo, faraha ayaan kala baxayaa.


Waxa kale oo aan idiin sheegayaa, in odaygii "dhul" ahaa, isna khaatiyaan ka taagan yahay, sida wax u socdaan, iyo caqlixumada oo wado kii "dad" ahaa. Caqlixumadaas oo ah in aanu waxba bixinayn, cid aan isaga ahaynna aannu rabin in ay noolaato. Odaygii dhul wuxuu leeyahay, haddii sidan wax ku sii socdaan, aniguna waxayga waan iska haysanayaa. Hadii dhirtii iyo noolihii kale la xaalufinayo, ciidda oo aan u kala qorshayn jirey, si ay ugu wada noolaadaan, faraha ayaan ka qaadayaa. Indhoweydna waabay igu adkayd oo waan ka caajisay. Meelo badanna waxaaba ka dhacay "carro guur" oo waxay isu beddeleen gawaan/gegi cidlo ah oo lagu noolaan karin. Haddii aan degdeg wax loo beddelin "aniguna faraha ayaan ka qaadayaa, bal ha la arko marka Saxaare la isugu wada baxo, cidda ku noolaatee!"


Hooyadii waxa ay hadalkeeda kusoo gunaanadday, "haddii uu dadku/bani-aadamku, rabo in uu keligii noolaado, oo uu isku fillaan karo keligii, talo xun ma ahee, inta kale ee dhashayda ah iyo waxtarkaygiiba kor ayaan ula guurayaa. Bal meesha uu is geeyo DAD markaa, iyo sida uu u noolaanayo aynu aragnee!"


Hooyada cabashadan soo gudbisay, waxa magaceeda la yidhaahdaa "CIR"

W/Q:Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

Email:[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...