Fursad siiya Faratoon !

0
Saturday June 19, 2021 - 11:46:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1070
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Fursad siiya Faratoon !

    Asalaamu Calaykum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum


Duruufihii qadhaadhaa ee uu soo maray Mudane Yaasiin Faratoon waxa aynu ka xusi karnaa in isaga oo ah Wasiirka Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland uu maalin maalmaha ka mid ah dharkiisii u geeyay Doobiile/dhar-dhaqe, si loogu maydho, markii dharkii loo maydhay ee uu doobiilihii u diyaariyay in Wasiirku uu dharkiisa qaato, lacagtana uu iska bixiyo, ayaa nasiib darro uu Wasiir Faratoon awoodi waayay lacagtii yarayd ee uu doobiilaha siin lahaa si uu dharkiisa u qaato.



Bal sawiro Wasiirkii Caafimaadka ee Dalkeena oo awoodi kari waaya shilimaad yar oo dharkiisa loogu maydhay, akhriste ha moodin in dharka lagu maydhay qasaalad ama dry cleaning, xiligaas lamaba aqoon qalabkaas, doobiilayaashu gacmaha ayay dharka ku maydhi jireen, duruufo aad u adag oo dhaqaale iyo nabadgelyo darro ayaana dalka ka jirtay waagaas, maxaad u malaynaysaa duruufta ay ku jireen shacabku marka uu qof xil Wasiir hayaa awoodi kari waayo inuu iska bixiyo lacagtii dharka loogu maydhay? Allah mahadi haka gaadhee maantana wasaaradaheenu waxay ku shaqeeyaan Malaayiin doolar oo miisaaniyada qaranka ah.


Mudane Faratoon waxa uu u tegay Madaxweyne Cigaal oo uu u sheegay in dharkiisii uu yaallo doobiilaha oo lacagtii laga rabo, duruufahaas qadhaadh iyo duruufo kale oo kasii qadhaadh ayuu Mudane Faratoon usoo maray Qarankan nabdoon, barwaaqaysan iyo dawladnimada aynu ku maanta ku naaloonayno.


Ummaduhu waxay qof kasta ku qiimeeyaan taariikhdiisa Iyo waxa uu dalkiisa gashaday, waxaana hubaal ah in sodonkii sanadood ee la soo dhaafay uu Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon Dalka Somaliland galiyay Xoogiisii iyo Caqligiisii sidii uu waddankeenu horumar u gaadhi lahaa, aqoonsi caalami ahna uu u heli lahaa.


Badanaa intuu guure iyo galab carrowba u maray sidii aynu dunida aqoonsi uga heli lahayn, badanaa intuu shirar nabadeed iyo yagleelidii Somaliland uu gacan weyn ka geystay, badanaa intii uu xoog iyo xoolaba ku bixiyay inay Beelaha Barigu ay wax la qabsadaan walaalahooda kale ee reer Somaliland.


Waxaan ka codsanayaa Asxaabta Mucaaridka Iyo Muxaafidba leh ee Baarlamaanka loo doortay inay qiimeeyaan abaalka uu Qaranka ku leeyahay Mudane Yaasiin Faratoon, isla markaasna ay iyaga oo middaysan ay codkooda siiyaan si uu u noqdo Gudoomiyaha Baarlamaankeena, xubnaha Xisbiyada Mucaaridka ahna loo daayo inay qaataan labada Gudoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka.


Somaliland ha Guulaysato

Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...