Aynnu caawinno walaalkeen Weriye Khadar Macallin Deeq

0
Saturday June 19, 2021 - 11:40:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aynnu caawinno walaalkeen Weriye Khadar Macallin Deeq

    "Dalka gudihiisa waxba lagama qaban karo". Hadal aan aad uga murugoodo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dalka gudihiisa waxba lagama qaban karo". Hadal aan aad uga murugoodo.

Markale ayeynu Insha-allah ka wada sheekaysan doonaa hadalkaasiye. Aynnu caawinno walaalkeen, #WeriyeKhadarMacallinDeeq. Oo muddooyinkii u danbaysay xanuusanaya. Dalka gudihiisana waxba looga qaban kari waayey.


Alleenkiisa gacanta (Tilifoonkiisa gacantu) waa Zaad: +252634249939 E. Dahab: +2524249939



Haddii keliya, 5000 kun oo inaga mid ahi midkastaa u diro 5 dollar ama 42,000 Somaliland Shillin , waxay noqonaysaa (5 dollar* 5,000 oo qof=$25,000)Shan iyo labaatan kun oo dollar.Ama (42,000SL* 5,000 oo qof=210, 000, 000SL) Laba boqol iyo toban milyan oo Shillinka Somaliland ah. Maxaad fili lahayd intaasi inka badanna? Dabcan inka badan intan.


Qaarkeen, 5 dollar iyo waxka badanba waxaynu ku bixinnaa waxyaabo ka mid ah nolol maalmeedkeenna. Maanta se' walaalkeenbaa inooga baahi badan.


Waxan rajaynayaa inay farriintaydani ku soo gaadhay, haddaad Weriye ama wadaad tahay. Haddaad Qurbe-Joog ama Qol-Qol joog tahay. Haddaad Ganacsade ama gadhwadeen tahay. Haddaad Shirkad ama saamilay tahay. Haddaad loo shaqeeye ama shaqaale tahay. Haddaad Bare ama ardaygiisa tahay Fadlan;


#Caawicidbaahan


#CaawintumalahaDaliyodadgaara


#CaawintumalahaQabiiliyoqarangaara

Mahadsanidiin.


W.Q: Faadumo Buuni

Hargeysa, Somaliland

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...