Hargeysaa Hadashayoo Tidhi
W/Q:Cabdullaahi Maxamed Cumar
Nabad akhristayaal,
Heestan oo leh
jiibka iyo jaanta ciyaar dhaqameedda Botorka (Batarka), waxaynnu ku eegi doonnaa;
Hargeysa oo hadashay doorashadii kaddib, waxayna tidhi:
Hargeysaa hadashay oo tidhiyeey
Heeyheey
Hayay hooyadii dalkaan ahayeey
Heeyheey
Hayay wa xan ahay halyey dhala eey
Heeyheey
Hayay ma habrado nimaan habayey
Hayay nin isoo hujuumaayeey
Heeyheey
Hayay holac baa leefsiineey
Heeyheey
Hayay nin hal-adag anaa dhala eey
Heeyheey
Hayay ninka habacsan waan nacayeey
Heeyheey
Hacooyada waan ka dhaartaayeey
Heeyheey,
Hayay horaadkayga uma dhigo eey
Heeyheey
Hargseysaa hadashay oo tidhiyeey
Heeyheey
Hayay hablahayga dhaadheerey
Heeyheey
Hayay Hodan iyo Hibaan dhalayeey
Heeyheey
Hayay markay soo hagoogtaaneey
Heeyheey
Hayay Hu' Islaamka qaataaneey
Heeyheey
Hayay heemaalkooda lala yaabyeey
Heeyheey
Hayay haanshaarka suuqyada ey
Heeyheey
Hayay hubsahada tallaabada ey
Heeyheey
Hayay Haldhaa baa la moodaayey
Heeyheey
Hayay haybadooda lala yaabyeey
Heeyheey
Hargysaa heestayoo tidhiyeey
Heeyheey
Hayay wax la huuriyaa dhimayeey
Heeyheey
Hayay odayada humbaaleeyiyo
Heeyheey
Hayay hoos- u- jeedka waan nacayeey
Heeyheey
Hayay haybhaybtii laga guuryeey
Heeyheey
Hayay wixii aan habboonayniyo
Heeyheey
Hayay haybsoocii ka haajirayeey
Heeyheey
Hayay harawaaji kii cunayeey
Heeyheey
Hayay hawadaa miqaan marayiyo
Heeyheey
Hayay ninkaan hiirta ii kicinee
Heeyheey
Hayay hawlahayga maaraynee y
Heeyheey
Hayay horaadkayga muu jiqineey
........
Waa qaybtii koobaad, haddii Eebbe idmana; halkaasi ayaynnu ka sii
wadi doonnaa. Waanay u furan tahay cid kasta oo ku luuqaynaysa iyo
ciddii wax ku daraysaba!
Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...