Macnaha Hadal Uu Cigaal Ka Yidhi Magaalada Ceerigaabo....W/Q Muuse Xaaji Cabaydh

0
Friday June 18, 2021 - 19:59:57 in Articles by
  • Visits: 1432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Macnaha Hadal Uu Cigaal Ka Yidhi Magaalada Ceerigaabo....W/Q Muuse Xaaji Cabaydh

    Macnaha Hadal Uu Cigaal Ka Yidhi Magaalada Ceerigaabo....W/Q Muuse Xaaji Cabaydh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macnaha Hadal Uu Cigaal Ka Yidhi Magaalada Ceerigaabo....W/Q Muuse Xaaji Cabaydh

Markii u dhamaaday dagaalkii Sokeeye, ayaa waxa aan hore u iman qolyihii Ceergaabo, Cigaal Ahn wuxuu yiri reer Ceergaabo waa in la raadiya oo ay qayb ka noqdaan Nabada.


Rag baa waydiiyay oo yiri Madaxweyne hadii Suldaanki guud joogo oo siyaasiinti isku Beesha ahaayeen joogaan maxa ka macno ah.

Cigaal aya yiri qofka Ceergaabo ku dhashaa waxa uu aaminsanyahay inuu dalka leeyahay, ma aamisanna inuu Ceergaabo oo qudha leeyahay, waxa uu waydiiyay dagaalkii dalka ka dhacay ee Siyaad lala galay,,iyagu gurmad iyo ciidanba way ku joogeen Hawdka, lkn cid Ceergaabo tagtay oo galbeed ka tagtay oo aan ahayn ciidan uu ina Mire la socday oo ashqaas ah mooye miyu jira?.

Wuxuu yiri magaalayntii Hargaysa qayb ayay ka ahaayeen, oo dhismaha ay ku leeyihiin Idaacada, Goljano, shacabka ma malayn kartaan, waana halka ay ka timi daanta la wada yaal.

Wuxu yiri hadaanay nabada qaadan, way adagtahay in nabada xidhanto,,waxay isku dayayaan in ay Hargaysa colaad ku yimaadan, si ay ku yimaadaana way iman,,waayo waxa wuxuu rumaysanyihiin ayaa hagaya.

Hada waxa aan fahmay macnaha hadalkaas, marka shaqsigu aanu aamisanayn dalka inuu leeyahay oo uu aaminsanyahay inuu magaalo leeyahay saamayntiisu waxay ku koobnaada magaaladaas, qofkii Magalaadiisa ka hadlana wuxu dhahaa tuuladaadi ku noqo, ama waxa aan rabo yeel.

Waa sababta aydin u arkaysaan Wasiir ama masuul qaran oo aaminsan reerkiisa, degaankiisa, sababtina waa rumaysnaanta.
Sharciga dalka ayaa dhiga in qofka muwaadinka ah dalka leeyahay .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...