Dawladaha Kenya Iyo Soomaaliya Oo Waji Cusub U Yeelay Xidhiidhkooda Iyo Qorshe Ay Hirgelinayaan
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa isla meel dhigay xoojinta xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal iyo dib u soo celinta xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee labada dowladood.

Warsaxafadeed ka soo baxay wasiiradaha arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya, ayaa lagu sheegay in labada dowladood ay isla garteen xoojinta xidhiidhka amniga, ganacsiga, iyo cilaaqaadka ka dhaxeeyay labada wadan.
Wasiirada labada dowladood, ayaa sidoo kale isla gartay in deg deg loo furo Safaaradaha Muqdisho iyo Nairobi oo ay sheegeen inay muhiimad weyn u leedahay xidhiidhka iskaashi ee labada dal Soomaaliya iyo Kenya.
Labada wasiir, ayaa gabagabadii wadahadal wakhti dheer qaatay kadib oo ku dhexmaray khadka Taleefanka waxaa hoosta ka riiqeen dib u furista labada Safaradood ee Muqdisho iyo Nairobi iyo waliba xoojinta xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada wadan.