Maayarka Hargeysa: Shan qodob oo uu ballan qaaday Cabdikariim Mooge

0
Friday June 18, 2021 - 06:54:46 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Hargeysa: Shan qodob oo uu ballan qaaday Cabdikariim Mooge

    Dhalin yarada ayuu u ballan qaaday in maamulkiisa uu wax ka baddali doono garoomada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalin yarada ayuu u ballan qaaday in maamulkiisa uu wax ka baddali doono garoomada



Cabdikariim waxa uu ka tirsan yahay Xisbiga Mucaaradka ee Wadani. Balse wuxuu ahaa musharrax ay isku waafaqeen seddaxda xisbi-siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

 

Doorashadii golaha deegaanka, wuxuu Cabdikariim ku soo baxay 26,299 oo cod, halka musharraxa xisbi ahaan ku soo xigay uu helay 5,412 oo shan laab ka yar inta uu helay Cabdikariin, halka musharraxa cod ahaan ugu soo xigay oo ka soo baxay Xisbiga Kulmiyana uu helay 8,992.

 

Ugu dambeyn Cabdikariim Maanta ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu yahay maayirka cusub ee magaalada Hargeysa. Ballan qaadyadiisi wax ka baddalka Haregysa waxaa ka mid ahaa:

1: Cadaaladda Shacabka

Markii la doortay ka dib khubad uu jeediyay ayuu ku sheegay in shacabka magaalada Hargeysa ay u sinnaan doonaan - kuwii doortay iyo kuwa aan dooranba.

 

"Waxaad dirteen farriin dadban oo ah qofka aad rabtaan in uu maayir idiin noqdo, anna maanta laga bilaabo waxaan gelayaa dedaalkeeda," ayuu yiri Cabdikariin ka dib markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashadii golaha deegaanka.

 

"Waxaan ahay mudane gole deegaan oo huwan codkii ugu badnaa oo ay bixiyaan shacabka reer Hargeysa iyo shacabka Somaliland. Waxaan ahay mudane Qaran, mana noqonayo mudane qolo ku suntan."

 

"Waxaa iga go'an in aan rumeeyo riyooyinkiinna iyo rajadinnaba, qof kasta oo tabanaya inuu mudane xaafaddiisu u soo bixin, aniga ayaana mudane u ah."

 

Waxuu sheegay in sinnaanta iyo caddaallad uu xoojin doono.

 

"Waxaynu kor yeeli doonnaa sinnaanta, wada noolaashaha, reer Hargeysanimada, waxaan soo afjari doonnaa oo aan halgankeedi sii wadi doonnaa qabiilka iyo qolo-qolada."

 

2: Qurxinta bilicda Hargeysa

 

Cabdikariim ayaa ballan qaaday inuu magaalada Hargeysa aad u qurxin doono oo uu bilicdeeda baddeli doono.

 

"Magaalo Cagaaran ayaan sameynayaa. Barnaamijkeyaga wuxuu leeyahay qof iyo geed, Guri iyo geed. Guri kasta waxaan ka raba ugu yaraan hal geed inuu beero, qof kasta oo reer Somaliland ahna waxan ku wacyigelineynaa inuu hal geed beero.

 

"Ciiddan iyo bustan magaalada yaallo markaan ka gurno hubaal magalada Hargeysa waxay noqoneysaa magaalda cagaaran. Dowladda hoosana waxay waraabineysaa dhirtu, xoolahana magaalada dhex daaqayana waan ka saarayaa."

 

3: Biyaha, korontada iyo iskuullada

Maayirka cusub wuxuu horey u ballan qaaday in uu wax ka qabn doono dhibaatooyiinka magaalada, sida biyaha iyo korontada.

 

Wuxuu yiri: "Xeerka Soomaliland waxa uu dhigayaa in dhammaan adeegyada, sida biyaha korontoda iyo iskuullada ay wax ka qabato dowladda hoose, sidaa darteed wax ayaan ka bedeli doonaa dhammaan baahiyaasi."

 

"Riyadeydu waxay tahay in carruurteenna ay helaan iskuul ka taya wanaagsan kuwa gaarka loo leeyhay ee carruurta lagula cararo, iyo sidoo kale hooyada iyo ilmaheeda waa inay helaan xarun caafimaad oo aan gurigeeda ka fogeyn oo ay ka hesho caafimaadka aasaasiga ah oo bilaash ah," ayuu sheegay.

 

4: Ilaalinta hantida shacabka

Cabdikariim Axmed Mooge ayaa sheegay inay khasab tahay in la ilaaliyo hantida dadweynaha.

 

"Ragga imanaya waa in ay dhageystaan dhawaqa baxaya ee ka soo baxaya shacabka, sidaa darteed, Hargeysa ma rabto nin aan iska ilaalin karin oo aan ka soomi karin hantida shacabka.

 

"Hargeysa waxay u baahantahay madax ilaaliso ammaanada umadda," ayuu yiri, isagoo u muuqday qof ka hadlaya ka hortagga musuqmaasuqa.

 

5: Kubadda cagta

Dhalin yarada ayuu u ballan qaaday in maamulkiisa uu wax ka baddali doono garoomada kubadda cagta lagu dheelo iyo guud ahaan cayaaraha.

 

"Dhallinyarada waxaan u sheegaya in garoomada lagu dheelo kubadda ee haatan laga kireeyo aan wax ka qaban doono," ayuu yiri.

 

"Waxay riyadaydu tahay inaan hirgeliyo garoon ay taallo kubadda iyo kabta aad soo bariday," ayuu yiri Cabdikariim Mooge.

Xigasho bbc/somali


Loading...
Loading...