Galmudug Oo Soo Gudbisay Xubnaha Guddiga Doorashada Ee Laga Bedeley Xubnihii Hore

0
Friday June 18, 2021 - 06:45:11 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug Oo Soo Gudbisay Xubnaha Guddiga Doorashada Ee Laga Bedeley Xubnihii Hore

    Xubnaha la soo bedelay ayaa ah afar xubnood oo ku jira Guddiyada heer Dowlad Goboleed SEIT

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubnaha la soo bedelay ayaa ah afar xubnood oo ku jira Guddiyada heer Dowlad Goboleed SEIT



Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa Xafiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen rooble soo gudbiyay liiska xubnaha laga bedelay guddigii doorashada ee cabashada laga keenay.

 

Xubnaha la soo bedelay ayaa ah afar xubnood oo ku jira Guddiyada heer Dowlad Goboleed SEIT iyo xubin Xalinta Khilaafaadka, waxaana Xubnaha uu soo Magacaabay Madaxweynaha Galmudug ay kala yihiin.

 

1- Yahye Cismaan Gedi

 

2- Mahad Abdullahi Mahamud

 

3- Hawo Adan Yare Culusow

 

Guddiga Xalinta Khilaafaadka

 

4- Ayan Abdirahman Mahamud

 

Horay waxaa Gudiyada doorashada u soo gudbiyay, Gudoomiyaha Aqalka Sare ,Madaxweynayaasha, Jubbaland, Puntland, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed, waxaana Galmudug ay aheyd Maamulkii ugu dambeeyay ee soo gudbiya.

 

Midowga Musharixinta ayaa cabasho ka keenay gudiyada doorashooyinka ee dowlad Goboleedyada soo Magacaabeen in kan madaxtooyda laga Magacaabay, waxaana guddi loo saaray ay ka sareen liiska 34 Xubnood, kuwaas oo kuwii lagu bedelay in dhamaan Xubnaha Gudiyada doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dwlad Goboleed uu Ra’iisul Wasaare Rooble Wareegto kusoo Magacaabi doono.


Loading...
Loading...