Nin ka mid ahaa shakhsiyaadka ka nool halyeyadii gobanimo doonka Afrika oo geeriyooday

0
Friday June 18, 2021 - 06:38:47 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin ka mid ahaa shakhsiyaadka ka nool halyeyadii gobanimo doonka Afrika oo geeriyooday

    Sannadihii 1950-meeyadii, Kaunda wuxu ahaa shakhsiyad misaan ku leh ururkii waagaa la odhan jiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sannadihii 1950-meeyadii, Kaunda wuxu ahaa shakhsiyad misaan ku leh ururkii waagaa la odhan jiray




Kenneth Kaunda, madaxweynihii koobaad ee Zambia ahaana ninka ka nool jiilkiisii hogaamiyeyaasha Afrikaanka ah ee gumaysiga la dagaalamay, ayaa geeriyooday isaga oo 97 jir ah.

 

Kaunda waxa Isniintii la dhigay isbitaal milatari oo ku yaal magaalo madaxda Lusaka, mar oof wareen ku soo booday. Kaaliyayaashiisa ayaa sheegay in aanu qabin Covid-19.

 

Sannadihii 1950-meeyadii, Kaunda wuxu ahaa shakhsiyad misaan ku leh ururkii waagaa la odhan jiray dhaqdhaqaaqa xorriyad doonka Woqooyiga Rhodesia ee lagu doonayey in Ingiriiska lagaga xoroobo.

 

Wuxuu madaxweyne noqoday markii dalku gobanimada qaatay 1964.

Maadaama oo uu ahaa hogaamiyaha xisbigii u janjeedhay bidixda ee United National Independence Party (UNIP), Kaunda wuxuu hogaanka u qabtay dalka oo uu mudo tobanaan sano ah ku xukumay nidaam xisbi keli ahi taliyo.

 

Wuxuu is casilay 1991 markii lagaga adkaaday doorashooyinkii xisbiyada badan.

 

"Waxaan ka murugaysanahay in aan idiin sheego in Odaygii inaga baxay" ayuu yidhi Kaunda inankiisa,

 

Kambarage, oo geerida aabihii ku shaaciyey boggiisa Facebook isaga oo adeegsanaya eraygaa xishmadda leh waxaanu yidhi "aynu u ducayno".

Madaxweynaha Zambia Edgar Lungu ayaa sheegay in dalkiisu u baroor diiqayo "hal door dhaba oo Afrikaan ah".

 

"Waxaan maqlay war naxdin leh oo ah inuu galabta geeriyooday" ayuu ku qoray boggiisa Facebook.

 

"Anoo ku hadlaya magaca qaranka oo dhan iyo magacayga ba waxaan ugu ducaynayaa qoyska Kaunda oo dhan in ay samraan maadaama oo aan ka wada murugoonayno geerida madaxweynaheenii koobaad oo ahaa hal door dhaba oo Afrikaan ah".

 

Dawladdu waxay shaacisay saddex todobaad oo baroor diiq ah oo la joojinayo wixii madadaalo ah oo dhan.

 

Hay'adda Nelson Mandela Foundation ayaa sheegtay in wax tarkii Kauda u lahaa halgankii lagula jiray gumaysiga iyo midab takoorka aan la iloobi doonin.

 

Erayo kale oo baroor diiq ah waxa isaguna diray Kalusha Bwaliya, kabtankii hore ee xulka qaranka ee kubadda cagta, oo sheegay in Kauda "saamayn ku lahaa nolosha".

 

Kaunda, oo ku caan ahaaa KK, wuxuu ahaa nin aad u taageera dedaaladii lagu soo af-jarayey midab takoorkii Koonfur Afrika. Wuxuu sidoo kale ahaa nin aad u taageera dhaqdhaqaaqyadii gobanimo doonka Mozambique iyo dhulka haatan Zimbabwe noqday.

 

Noloshiisa intii dambe, Kaunda wuxuu tamartiisa oo dhan u weeciyey la dagaalanka HIV ka dib markii mid ka mid ah inamadiisa oo la odhan jiray Masuzyo u dhintay cudurro la xidhiidha Aids.

 

"Gumaysigii waynu la dagaalanay. Haatanna waa in aynu aad ula dagaalannaa Aids oo halistiisu tahay inuu dabar jaro Afrika" ayuu ku yidhi wakaaladda wararka Reuters mar uu la hadlay 2002.



Xigasho bbc/somali

Loading...
Loading...