dawladdaha Kenya Iyo Somaliya Oo Heshiis Rasmi Ah Ka Gaadhay Xidhiidhkoodii Xumaaday

0
Wednesday March 06, 2019 - 13:56:54 in News by
  • Visits: 2589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    dawladdaha Kenya Iyo Somaliya Oo Heshiis Rasmi Ah Ka Gaadhay Xidhiidhkoodii Xumaaday

    dawladdaha Kenya Iyo Somaliya Oo Heshiis Rasmi Ah Gaadhay Xidhiidhkoodii Xumaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dawladdaha Kenya Iyo Somaliya Oo Heshiis Rasmi Ah Gaadhay Xidhiidhkoodii Xumaaday



Muqdisho(HWN)War qoraal ah oo goor dhow ka soo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saakay wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya.

Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka.

Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka Madaxtooyada ka soo baxay.

 



Loading...
Loading...