Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Dalka Ka Jira

0
Thursday June 17, 2021 - 17:19:10 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Dalka Ka Jira

    Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Dalka Ka Jira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Dalka Ka Jira


Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa ka hadlay Mushkulladaha Caafimaad ee Somaliland ka jira, waxaannu sheegay in Shacabka reer Somaliland ay Dhaqaale badan ku bixiyaan dalal shisheeye iyagoo raaddinaaya Caafimaad.
Barkhad Jaamac Batuun oo loodoortay Xildhibaan Baarlamanka Somaliland | Wardoon


Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun waxa shacabka u soo jeeddiyay inay Imaansaddaan Dhakhaatiirtoodda, waxaannu Dhakhaatiirtanna ugu baaqay inay Horumar sameeyaan oo adeegyaddaas dibadda loo qabannaayo ay dalka ka hirgeliyaan.

"Baahidda ugu wayn ee dalkeenna taallaa waa Caafimaadka. Mushkullada aynu markii hore Xallin karri la'ayn waxay ahayd Dhaqaalaha badan ee Jaadka innagaga baxa, waxaynu xallin kari la'ayn Mushkullada qaballiga ah, welinna waxaynu Xal u raadinaynaa Mushkullada Caafimaad ee dalkeenna ka jirta. Ma Dhakhaatiirteenna ayaan tayaddii lahayn? Ma dadkii baan ku imaan qabin? Siddee lacagta 40,000 kun oo doollar kor u dhaafaysa loogu tagaa Hindiya iyo dalalka kale?

Anigu waxaan is leeyahay hagrasho ma jirto, gaar ahaan Cusbitaalka gaarka loo leeyahay dedaalkoodda way qabanayaan, kolba wax bay soo kordhinayaan, laakiin imaankii uu qofku ku niyadsamaan lahaa Dhakhtarta iyo Daawadda uu hayo ayaa diciif ah, oo qofkii wuxuun baa isku sawirraaya Ethiopia tag ama Dhakhtar dibaddeed tag, halkaas buu Caafimaadku ku jiraaye, waxaynu u baahannahay in adeegyaddaas Caafimaad ee Cusbitaalladaa kale ee dibaddu fiddinayaan inay hellaan oo bulshaddeena u qabtaan, laakiin siyaasad dawliya ayay u baahan tahay oo Cusbitaalkasta loo diyaariyo deegaankii uu bulshadda ugu shaqayn lahaa, oo Dr. Caga-weyne oo kale inta Kirrada laga saarro loo diyaariyaa Dantii guud ee ummadda ugu shaqayn lahaa, markaa waxaan rajaynayaa in dalkeennu uu isbadal wayn ku iman doonno tobanka sanadood ee soo socda." Ayuu yidhi Xildhibaan Batuun.

Loading...
Loading...