"Sidee Ayuu Maayar Cabdikariim Axmed Mooge Uga Gudbi Karaa Caqabadaha Horyaala"...Xisbiga Waddani Oo War Cusub Soo Saaray

0
Thursday June 17, 2021 - 14:51:08 in News by
  • Visits: 2581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Sidee Ayuu Maayar Cabdikariim Axmed Mooge Uga Gudbi Karaa Caqabadaha Horyaala"...Xisbiga Waddani Oo War Cusub Soo Saaray

    "Sidee Ayuu Maayar Cabdikariim Axmed Mooge Uga Gudbi Karaa Caqabadaha Horyaala"...Xisbiga Waddani Oo War Cusub Soo Saaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidee Ayuu Maayar Cabdikariim Axmed Mooge Uga Gudbi Karaa Caqabadaha Horyaala"...Xisbiga Waddani Oo War Cusub Soo Saaray

Hargeysa(HWN):-Xidhiidhiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani u qaabilsan qaaradaha Yurub iyo Ameerika Cismaan Cumar Dool ayaa ka hadlay caqabadaha horyaala maayarka cusub ee loo doortay magaalada Hargeysa.


xidhiidhiye Cismaan Cumar Dool ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey Hadhwanaagnews waxa kale oo uu kaga hadlay sida uu maayarka cusubi uga gudbi karo caqabadaha horyaala, waxaanu yidhi 

"Marka hore Hambalyo ayaan leeyahay xilka loo dhaariyay Mayerka cusub ee Magaalada Hargeysa Abdikarim Ahmed Mooge Mayer Ku Xigeenkiisa iyo dhamaan Xilibaanada kale ee la soo doortay, Ilaahayna waxaan ka baryayaa in uu xilkaa ku asturo. Aamiin.

Marka xigta waxaan faalo ka bixinayaa maxaa laga filan Mayerka cusub?. Maxay yihiin caqabaha ka hor iman karaa? Yaa ka caawin kara in uu caqabadahaa ka gudbo? Hadii uu caqabadahaa ka gudbi kari waayo maxaa laga filan karaa in uu yeelo Mayerka cusubi?

Sida la wada og yahay Abdikarim Ahmed Mooge waa nin u dhashay wanaag waana nin xor ka ah Musuqmaasuq, Eex iyo Qaraabakiil waana nin leh axdi iyo karti uu ku fuliyo wixii uu ku balan qaaday, hadii marka ay wax weliba u dhacaan sida uu ku hamiyaayo, waxaa laga filan karaa Hargeysa qurux badan oo ugu yaraan Jigjiga u ekaata.

Caqabadaha ka hor iman kara waxaa kow ka marka ay isa soo gaadhaan ama ay indhaha iska qaadaan dadkii Musuqmaasuqa baahsan ku hayay ama ku cuni jiray hantida laga ururiyo danyarta reer Hargeysa. Qasab waxaa dhici doona khilaaf iyo wax iska caabin ay labada dhinicba ku dagaalamaan. Waa Abdikarim oo diidan Musuqmaasuqa iyo kooxaha qawlaysatada ahaa oo diida in ay aqbalaan in laysla xisaabtamo.

Musuqmaasuq ugu yaraan wuxuu noqon karaa shidaal si tuugo ah loo qoran jiray!!

In uu caqabahaa ka gudbo waxaa ka caawin kara Dawlada dhexe oo ku garab is taagta in uuu xididada u siibo unugyada Musuqmaasuqa ee ku dhex aasan Dawlada Hoose ee Hargeysa, waxa kale oo ka caawin kara Xilibaanada hada lala doortay oo meel iska dhiga in ay sidii kuwii hore hantida Qaranja lagu baabiyo hanti gaar loo leeyahay iyo jabiska habeenkii. Dabcan Xilibaanada la doortay waxay samayn karaan dariiq uga sharaf badan aakhiro iyo aduunkaba ka tuugada.

Hadii ay Dawlada dhexe oo lagu xanto in ay qayb ka tahay Musuqmaasuqa ka jira Dawlada hoose ay Abdikarim ka hor joogsato in uu farfareeyo meelaha la xanto, Xilibaanada lala doortayna ay isla soo taagaan meeshaba waxaanu u nimid tuugo iyo in aanu fooqyo dhaadheer ka dhisano!
Labadaa kolba kay noqoto.

Hadii ay ta hore noqoto waxaa la arki doonaa filashadii Reer Hargeysa oo rumowday oo ah Hargeysa qurux badan!.
Hadii ay ta dambe noqoto waxaa la arki doonaa Abdikarim Ahmed Mooge oo is casilay iyo Hargeysa oo kudaafada sii ahaata
Weliba ka qoraa ahaan waxaan aad ugu badinayaa in ay ta dambe dhacdo.

Alla Mahad leh
Osman Omar Dool

Loading...
Loading...