Goleyaasha Deegaanada Hargeysa, Boorama Iyo Balligubadle Oo Doortay Maayaro Cusub
Goleyaasha Deegaanada Hargeysa, Boorama Iyo Balligubadle Oo Doortay Maayaro Cusub
Hargeysa(HWN):-mudaneyaasha cusub ee goleyaasha deegaanada degmooyinka Hargeysa, Boorama iyo Balligubadle ayaa fadhiyo ay maanta yeesheen ku doortay maayarada cusub ee magaalooyinkaasi.
![]() |
golaha deegaanka Hargeysa ayaa fadhigoodii ugu horeeyey ooay maanta yeesheen ku doortay maayarka cusub ee magaalada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, halka ay maayar ku xigeena u doorteen Khadar Nuur oo kala tirsan xisbiyada Waddani Iyo Ucid.
sidoo kale magaalada Boorama ayey fadhigii ugu horeeyey ku yeesheen mudanayaashii dhawaan la doortay, waxaanay maayarka magaalada u doorteen Maxamed Axmed Warsame halka ay maayar ku xigeenkana u doorteen Yaasiin Deheeye Oomane oo labadooduba ka soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.
![]() |
sidoo kale degmada Balligubadle ayey mudaneyaasha cusub ee golaha deegaanku ay maayarka magaalada u doorteen Maxamed Cabdi Muxumed (Shiine). oo ka soo baxay xisbiga Kulmiye halka ay maayar ku xigeenkana u doorteen Cabdirisaaq Xasan Aadan.
![]() |
Loading...
Loading...