Tababarihii Xulka Qaranka Soomaaliya oo loo Eryey aflagaado Uu Geystay darteed

0
Thursday June 17, 2021 - 14:00:49 in News by
  • Visits: 1874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababarihii Xulka Qaranka Soomaaliya oo loo Eryey aflagaado Uu Geystay darteed

    Tababarihii Xulka Qaranka Soomaaliya oo loo Eryey aflagaado Uu Geystay darteed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababarihii Xulka Qaranka Soomaaliya oo loo Eryey aflagaado Uu Geystay darteed


Xidhiidhka Kubadda Cagta Soomaaliya, ayaa shaqada ka eryay tababarihii Xulka Qaranka Soomaaliya Cabdellatif Salef oo u dhashay dalka Morocco, kaddib markii sida ay sheegeen uu erayo ‘aflagaado’ ah u adeegsaday ciyaartooyda xulka oo tababar ku qaadana waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti.



Abdellatif Salef


Bayaan ka soo baxay xidhiidhka Kubadda Cagta Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Salef oo haysta dhalashada waddanka Belgium la eryay saddex todobaad kaddib markii uu la wareegay shaqada tababarenimo ee xulka Soomaaliya oo isku diyaarinaya ciyaaraha Carabta oo todobaadka soo socda ka furmaya dalka Qadar.


"Wuxuu si isdaba joog ah u adeegsanayay ereyo aflagaado ah oo ka dhan ah ciyaartoyda, wuxuu ula dhaqmayay si xun tan iyo markii uu qabtay xilka xulka, mana aanu lahayn dhaqan wanaagsan” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay xidhhiidhka K/cagta ee Soomaaliya.


Wareegtada lagu eryayay tababaraha xulka Soomaaliya, ayaa intaas ku dartay "Ciyaartooydu kuma faraxsaneyn tababarkiisa, madaama xirfaddiisa iyo khibradiisuba ayna ahayn kuwa gaadhsiisan heerka xulka, halka aanu xitaa la imaan qorshe tababar”


Tababare Selaf, ayaa la eryay waxyar kahor ciyaartii saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Jabuuti, taas oo ku soo idlaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday xulka Jabuuti.


Taageereyaasha xulka Soomaaliya ee The Ocean Stars, ayaa xidhiidhka K/cagta Soomaaliya ku canaantay shaqaaleysiinta tababarahan, iyagoo sheegay inay jiraan tababareyaal Soomaali ah oo ka mudan shaqada xulka, lehna khibrad ku filan, kuwaas oo ay ka tilmaameen Yuu Cali iyo Cabdi John oo labaduba ka mid ahaa xiddigii hore ee xulka Qaranka Soomaaliya.


Loading...
Loading...