Xukuumadda Iyo Xisbigeeda KULMIYE Oo Dadaal Ciddiyo Ku Dagaalan Ah Ugu Jira Shir-guddoonka

0
Thursday June 17, 2021 - 11:49:49 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Iyo Xisbigeeda KULMIYE Oo Dadaal Ciddiyo Ku Dagaalan Ah Ugu Jira Shir-guddoonka

    Xukuumadda Iyo Xisbigeeda KULMIYE Oo Dadaal Ciddiyo Ku Dagaalan Ah Ugu Jira Shir-guddoonka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Iyo Xisbigeeda KULMIYE Oo Dadaal Ciddiyo Ku Dagaalan Ah Ugu Jira Shir-guddoonka


Hargeisa(HWN):-Tan iyo markii lagu dhawaaqay natiijada Hordhaca ah ee Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland waxa ay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbigeeda KULMIYE dagaal weyn ugu jiraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen kuraasta Shir-guddoonka Golaha wakiillada.


Dhawaan markii ay Axsaabta Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ku dhawaaqeen is-bahaysi siyaasadeed oo ka dhan ah KULMIYE kuna aaddan ku guulaysiga Maayarrada magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiillada waxa isa soo taraya dadaallo hoose oo culus oo xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbigiisa KULMIYE ugu jiraan sidii ay ugu dagaallami lahaayeen wax kasta oo ay ku qaadanayso shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo ay la rabaan siyaasi Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.


Aqlabiyadda Kuraasta Golaha wakiillada Somaliland oo ka kooban 82 kursi waxa ku guulaystay Mucaaridka oo ka helay 52 Kursi (UCID 21 & WADDANI 31) halka xisbiga KULMIYE helay 30 Kursi. Waxa ay taasi keentay in ay is-bahaysiga axsaabta Mucaaridka ahi is macaashsiiyaan in ay si dhibyar ugu fadhiisan doonaan Shir-guddoonka Golaha wakiillada marka uu qabsoomo fadhigooda ugu horreeyaa balse sida ay ilo-xog ogaal ahi wargeyska FOORE u xaqiijiyeen waxa jira dadaallo ciddiyo ku dagaallan ah oo Madaxtooyadu ku hawlanayd maalmihii ugu dambeeyey oo ah sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen xildhibaanno ka tirsan xisbiyada Mucaaridka ah oo ay ku buuxsato tirada ay uga baahan tahay in ay ku hanato kuraasta shir-guddoonka.

Wararkii ugu dambeeyey ee la xidhiidha xaaladda xodxodashada Madaxtooyada ee Xildhibaannada Mucaaridka ahi waxa ay noo xaqiijiyeen tiro xildhibaanno ah oo ay durba soo xero galiyeen si ay dhinacooda u noqdaan marka la gaadho doorashada Shir-guddoonka kuwaasi oo durba xukuumadda iyo xisbigeedu heshiisyo hoose la galeen. Tirada xildhibaannada xisbiga KULMIYE uga baahan yahay xildhibaannada ka soo baxay Mucaaridka ah ayaa ah 12 Xildhibaan waxaanay wararku sheegayaan in ay hujuum adag ku wajahday sidii ay u buuxin lahayd kooramkaasi oo ah kan ay ku dagaal gali karto.

30-ka Xildhibaan ee KULMIYE uga soo baxay Gobollada iyo 12-ka ay uga baahan yihiin Xildhibaannada axsaabta kale ayaa tirada ay u baahan yihiin ka dhigaysa 42 Xildhibaan waana hal dheeriga ay ku muquunin karaan axsaabta qaranka oo heshiiskoodii is-bahaysiga ahaa durba u muuqdo mid xagal daac ku yimid iyada oo xogahani tibaaxayaan in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddu ku raad joogaan sidii ay dagaalkan ugu guulaysan lahaayeen.

Xildhibaanno xisbiyada Mucaaradka uga soo baxay Gobollada Marooxi-jeex, Awdal, Togdheer iyo Sanaag ayay xogahani noo xaqiijiyeen in ay durba xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE gorgortan culus kula jiraan oo ay doonayaan in ay ka hoos saaraan is-bahaysiga Mucaaridka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa toddobaadkan mar kale ku celiyey in uu dhisayo Siyaasi Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo uu la rabo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Cusub, halka xisbiga WADDANI isna geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doono muddona halgan ugu soo jiray Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isna reer Sool ah.

Shacabka Somaliland ayaa ka dhur-sugaya halka uu dagaalkan siyaasadeed ku dambeeyo iyo adkaysiga ay Is-bahaysiga Mucaaridku u yeeshaan dagaalka xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE.

Loading...
Loading...