Maxay Yihiin Sababaha Siyaasadeed Ee Xukuumadu Dib Ugu Dhigtay Doorashadii Maayarka Boorama?

0
Thursday June 17, 2021 - 11:17:49 in News by
  • Visits: 1231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Yihiin Sababaha Siyaasadeed Ee Xukuumadu Dib Ugu Dhigtay Doorashadii Maayarka Boorama?

    Maxay Yihiin Sababaha Siyaasadeed Ee Xukuumadu Dib Ugu Dhigtay Doorashadii Maayarka Boorama?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Yihiin Sababaha Siyaasadeed Ee Xukuumadu Dib Ugu Dhigtay Doorashadii Maayarka Boorama?


Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa shalay hakisa oo dib u dhigtay doorashada Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka Boorama,taas oo lala xidhiidhanayo arrimo siyaasadeed,isla markaana ay Xukuumadda uga go’leeday sidii ay Xubnaha aqlabiyadda isbahaysiga Mucaaradka u kale fur-furi lahayd si ay u hesho aqlabiyadda ay doonnayso .




Xukuumadda ayaa arragtay in xubnaha isbahaysiga mucaaradku ay haysteen aqlabiyadda Golaha Degaanka Boorama,taas oo u sahlaysa inay Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka doortaan,waxa loo nisbaynayaa in sababaha fadhiga ay dib ugu dhigtay Xukuumaddu ay kamid tahay taas.


Dhanka kale Sida uu dhigayo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka (law number 23), dhaarta mudanayaasha golaha deegaanka, kadib waxa si toosa ugu xigta doorashada duqa degmada iyo ku xigeenkiisa,balse Xukuumadda ayaa u muuqata inay ku kacday sharci jebin badheedh ah.


Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo ka hadlay sababaha fadhiga uu dib loogu dhigay ayaan sheegin sabab lagu qanci karro, balse waxa uu sheegay in berri la qabanayo "Maanta hawsheenii waxay ku dhammaatay dhaartaa ,berri sagaalka saddex iyo tobankiina oo qudha,dadkiina kale oo dhammi wadda fasax ayaad tihiin iyaga ayaa isku shir Guddoominaya iyaga ayaa is doorranaya hawshaa iyaga ayaa leh, Xoghayaha oo qudha oo wax u qoraya iyo anniga oo goob-joog ahaanayna ayaa wehelinaya .”ayuu yidhi tiimbaro.


Gunaanadkii Musharraxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga WADDANI Md Maxamed Cali Aw Cabdi oo ka hadlay dib u dhaca doorashada Maayarka ee Boorama,waxa aanu uga digay Xukuumadda faragelinta ay ku hayso Golaha Degaanka Degmaddaas"Wasaaradda arrimaha gudaha iyo xukuumadda waxa aanu ka rabnaa Xisbi ahaan in ay cadeeyaan sababta ay sharcigii iyo jadwalkii hore u jiray dib u dhaca ku keenay; waxa aanan uga digaynaa in ayna farogelin masiirka shacabka” ayuu yidhi

 


Loading...
Loading...