Hardwork Beats Talent"

0
Thursday June 17, 2021 - 10:40:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hardwork Beats Talent"

    Si uu fikirkiisa uga dhabeeyo wuxuu damcey inuu caruurtiisa uu ku tijaabiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si uu fikirkiisa uga dhabeeyo wuxuu damcey inuu caruurtiisa uu ku tijaabiyo



Nin la odhan jirey laszlo polgar oo hungary u dhashy ahaana dhakhtar cilmu nafsi iyo macalin chess ayaa wuxuu si weyn u aaminsanaa in wax hibo la dhaho aysan jirin oo la abuuri karo

Wuxuuna mar walba ku andacoon jirey in dadaalka badan iyo ku celceliska qofka ka dhigaan qof hibo leh

Si uu fikirkiisa uga dhabeeyo wuxuu damcey inuu caruurtiisa uu ku tijaabiyo fikradaas uu sida weyn u aaminsanaaa hase ahaate reer iyo xaasba ma uu lahayn

Ka dib ayaa wuxuu warqad u direy saaxiibadii KARLA oo ukraine macalimad ka ahayd oo iyaduna fikirkaas la aaminsayad wuxuuna u soo bandhigey guur iyo in ay tijaabadaas la caawiso oo caruurta la koriso

Laslo iyo karla waxay dhaleen 3 gabdhood waxayna go'aansadeen inay ka dhigaan kuwa ciyaara ciyaarta chessta

3diisi caruur guriga ayaa wax lagu bari jirey waxaana guriga looga soo buuxiyay buugaag iyo sawiraan chess playerskii ugu wacnaa ahaa

3da hablood iyagaa isla ciyaari jirey marwalba oo koobab dhexdooda qabsan jirey

Gabadha ugu weyn(susan) waxay koobkeedi u horeysy qaadey marki ay ahayd 4jir

Markii ay da'da 22 jirtayna waxay qaaday abaalmarinta grandmaster ama worldchampion of chess

Gabadhii ugu yarayd judith waxay ahayd ta ugu wacneyd 3daba 5jir markey ahayd waxay ka badisay gameka aabaheed

12jir markey ahaydna waxay noqotey gabadhii ugu da'da yarayd ee abid ka soo qeybgasha 100ka laacib ee ugu badiya chessta sanadkaas

Markii ay jirtey da'da 15 waxay noqotey gabadhii ugu da'da yarayd ee abid ku guulaysta abaalmarinta grandmaster iyado recordka ka jabisay bobby fisher oo 22 jir ku qaada

Markey 27jir ahaydna waxay ahayd naagta no1 ka ahayd chessta dumarka caalamko dhan

Judith polgar hadda waa 44jir waxaana loo tixgaliyaa naagtii ugu badisay chessta taariikhea abid ama goat of chess(female)

3daas hablood recordo wawayn bay ka dhigeen caalmka hadana ma aysan ahayd wax ay iyagu doorteen ee tijaabo aabahood marinayay uun bay ahayd wuuna ku guuleystay

Laslo nuxurka fikirkiisa wuxuu ku soo koobay "ma jiro qof dhasha isagoo fariid ah ama aad u caqli badan badan ee waxaa jira qof wax bartey dadaalayna oo saas caqli badan ku helay"



W/Q/ Zultan Haadi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...