Xukumida Dadka Biniaadamka ah

0
Thursday June 17, 2021 - 10:35:04 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1032
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumida Dadka Biniaadamka ah

    Dabcan qofkan markad wax ka sheegaysid si toos ah uguma dhahaysid oo maskaxdaada uun baad iskala hadli

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabcan qofkan markad wax ka sheegaysid si toos ah uguma dhahaysid oo maskaxdaada uun baad iskala hadli



Badanaa dadku waxay si fudud ku xukumaan ficilada dadka kale sameeyan iyaga oo aan sheekada dhan ogayn ha noqdo qofka waxaas sameeyay saaxiibkood ama qof aysan horeyba u arag

Inaad qof xukuntaa macnaheedu waxa weeye inaad qofkaas la barbardhigaysid naftaada

Markaa waa laba mid uun ama in aad ku dareento is barbardhigaas farxad sababtoo ah qofka ayaad aaminsan tahay inaad ka wacan tahay

Ama waa inaad dareento farxad darro sababto ah qofkad xukumaysid ayaa wuxuu haystaa waxaadan haysan balse aad rabi lahayd

TUSAALE: waxaad tahay qof xishood badan oo aan badana ka dhex hadlin meelaha lagu badan yahay ka dib ayaad aragtey qof kale oo furfuran korna u qeylinaya dadkana wax u sheegaya

Markaad qofkaas xukumaysid waxaad samayn isbarbardhig isaga iyo adiga ah

Ama waa inaad dhahdo "qofkaan wuu hadal badan yahay anigana waan aamus badanahay aniga ayaa ka fiican" oo aad sidaas naftaada ku farxad galiso

Ama waa inaad dhahdo "qofkaan waa qof furfuran oo bulshaawi ah waxa jeclan laha ina sidiiso kale noqdo" tanna waa markad farxad darada dareemaysid balse badanaa dadku xataa hadii ay qofka la riyaaqeen waxay doortan tay farxada ka dareemayaan

Dabcan qofkan markad wax ka sheegaysid si toos ah uguma dhahaysid oo maskaxdaada uun baad iskala hadli ama qof aad saaxibo tihiin uun baad kala hadli balse iminka waxaa soo baxay indhabeelnimo ah in qofka toos loo dhaliilo waana xukumida social mediaha

Qof ayaa post soo dhigin markaas ayaa wax laga sheegin muuqiisa amaba siduu u dhaqmayo amba wuxuu aaminsan yahay

Mid baa "jaahil baa tahay iskaga odhanaya" hadda 1kaas post uunbuuba ka arkey

Sidaynu ognahay nolosha onlineka maahan mid wada mid wada real ah oo qofku intuu isagu rabo buu ka tusin aqoonyahan baa damiin iskaga kaa dhigi damiinna aqoonyahan marka qofaadan aqoon buuxda u lahayn inaad seefta kula booda waa indhabeelnimo

Al muhimmu hadii aad kuwa wax xukuma tahay waxan ku leeyhy Qalbigu biniaadmku waa iska nugul yahay hal erey baa maalintaada samayn kara hal ereyna niyada buu kaa dili karaa markaa u dhimri quluubta dadka oo ereyada aa ku hadlaysid yay marnaba noqon kuwa niyad jab u keeni kara

Hadaad tahay kuwa la xukumana is adkee baan ku leeyhy oo ha joojin dadka hadalkooda oo waxaaan qofka si toos ah wejigiisa uga odhan karin marka horeba ha soo dhigin wa ku kaa.

W/Q/ Zultan Haadi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...