Boqorkii Iyo Ninkii Saboolka Ahaa

0
Thursday June 17, 2021 - 09:58:48 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorkii Iyo Ninkii Saboolka Ahaa

    Ninkii Saboolka ahaa Boqorkii wuu ka yaabiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninkii Saboolka ahaa Boqorkii wuu ka yaabiyay




Waxa soo booqday tuulo caasimada ku qabsan Boqorkii cusbaa ee dalka dhawaan qabsaday , dadkii oo dhan baa ka hortegey oo soo dhaweeyey.

Markii uu Boqorkii Magaaladii soo galay , ayaa waxa uu arkay Nin aan ka qeyb gelin soo dhaweyntiisa iyo aragtida Boqorka cusub , aad buu ula yaabay ,

Kabacdi wuu u tegey , waxaanu weydiiyay :

Maxaad sida dadka kale Boqorkaaga u soo dhaweyn weydey ,?

Miyaanad doonayn in aad aragto Boqorkaaga cusub?

Waxa uu Ninkii ugu jawaabay:

Boqor hore ayaa Magaaladan soo maray , Kabacdi markii uu ka tegey ayaa duufaan iyo roob xooglihii la kulmeen ,

Kabacdi wuu geeriyooday Boqorkii iyo ciidan badan oo la socday

Kabacdi Boqorkii waxa lagu aasay xabaal halkaa ku taala

Waxaa dhintay isla maalintaas Nin tuuladan u dhashay , Boqorkii xabaashiisii iyo xabaashii Ninka jaar Bay noqdeen .

Kabacdi waxa da'ay roob xoog leh oo daad badnaa.

Waxa uu soo faqay xabaalihii oo lafahoodii buu debeda soo dhigay

Waxa isku dhex qasmay lafihii Boqorka iyo Kuwii Ninka kale

Kabacdi waa la kala saari kari waayay oo waa la kala garan waayay

Kabacdi waa la wada aasay .

Maalintaa laga bilaabo , cidna kama haybadaysto , waxaanan ogaaday in la wada Siman yahay oo la kala sarayn .

Ninkii Saboolka ahaaBoqorkii wuu ka yaabsaday




CALI MAXAMED BIIXI

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...