Rooble oo ka codsadey Galmudug iney soo gudbiso guddiga doorashada

0
Thursday June 17, 2021 - 09:54:30 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rooble oo ka codsadey Galmudug iney soo gudbiso guddiga doorashada

    Maamulada kale ee Soomaaliya ayaa soo gudbiyey guddiga doorashada ugga qeyb galaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulada kale ee Soomaaliya ayaa soo gudbiyey guddiga doorashada ugga qeyb galaya.



Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka dalbadey Madaxweynaha GalMudug inuu soo gudbiyo guddiga doorashada.


 

Sida uu ku sheegay warbixin uu soo saarey afhayeenka xukuumada Maxamed Ibraahim "Macalimuu”, GalMudug waa maamul goboleedka kaliya ee aan soo gudbin guddigiisa doorashada.



 

Maamulada kale ee Soomaaliya ayaa soo gudbiyey guddiga doorashada ugga qeyb galaya.

 

Doorashada Soomaaliya ayaa dib ugga dhacdey marar kala duwan xiligii looggu tala galey iney qabsoonto, kadib markii ay isku fahmi waayeen qeybaha kala duwan ee ay quseyso.


 

Dibu dhaca doorashada, ayaa keentay in dagaal gacan ka hadal ah uu ka dhaco magaalada caasimadda Muqdisho, inkastoo markii danbe la xaliyey.

Xigasho bbc
Loading...
Loading...