Golaha siyaasiyiinta Somaliland oo ka cabanaya Madaxweynaha Soomaaliya

0
Thursday June 17, 2021 - 09:38:23 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha siyaasiyiinta Somaliland oo ka cabanaya Madaxweynaha Soomaaliya

    Guddigu waxey sheegaan in la baal marey heshiiskaasi, oo Madaxweynaha dowladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddigu waxey sheegaan in la baal marey heshiiskaasi, oo Madaxweynaha dowladda



Golaha siyaasiyiinta Somaliland, ayaa war saxaafadeed uu soo saarey ku sheegay iney walaac weyn ka qabaan fara gelin ay sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya ku hayo guddiga doorashada qaranka, gaar ahaan kuraasta Somaliland.

Waxey sheegeen in guddiga kuraasta Somaliland lagu heshiiyey kal hore inuu soo dhiso ra’iisal wasaare kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Guuleed, isagoo la tashanaya guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi.

Guddigu waxey sheegaan in la baal marey heshiiskaasi, oo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi "Farmaajo” uu ku hayo fara gelin.

Golaha ayaa tilmaamey iney tahay wax aan wanaag saneyn in awoodda dowlada loo adeeg sado shacabka, taana ay keeni doonto is naceyb iyo colaad.



Xigasho bbc

Loading...
Loading...