Xildhibaan Sheegay Inay Jiraan Qodobo Laga Saaray & Qodobbo Lagu Soo Kordhiyey Dastuurka Somaliland

0
Wednesday June 16, 2021 - 21:36:07 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Sheegay Inay Jiraan Qodobo Laga Saaray & Qodobbo Lagu Soo Kordhiyey Dastuurka Somaliland

    Xildhibaan Sheegay Inay Jiraan Qodobo Laga Saaray & Qodobbo Lagu Soo Kordhiyey Dastuurka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Sheegay Inay Jiraan Qodobo Laga Saaray & Qodobbo Lagu Soo Kordhiyey Dastuurka Somaliland


Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in Dastuurkii dalku dayacan yahay oo ay jiraan qodobbo laga saaray, halkuu xusay inay jiraan qodobbo laga saaray iyo qodobbo lagu soo kordhiyey.



Xildhibaan Axmed Dirir Cali, oo Shalay ka qayb-galay Dood Mudaneyaasha Golaha Guurtidu ka yeesheen siyaasadda Arrimaha gudaha, ayaa sheegay in Dastuurku dayacan yahay isla-markaana faro-gelinta lagu hayo dalku aanay ku koobnayn xagga siyaasadda iyo dhulka, balse la faro-geliyey Dastuurka dalka, sidaasi darteed loo baahan yahay in arrimahaa hoos loo eego oo wax laga qabto.

Xildhibaan Dirir oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Dastuurkeenii Inta la daabacay oo wax lagu kordhiyey waxna laga saaray, markaas maxaynu la nimaadnaa Dastuurkii aynu haysanay ayaaba dacayane, Dastuurka saxa.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay in la kordhiyey tirada Waraaqihii uu ku qornaa Dastuurku "Xaashihiisi baa la kordhiyey, qodobbadiisi baa la kordhiyey, qaarna waa laga saaray, yaa daabacay, yaa ka masuul ah, masuuliyadda dadkii lahaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ju daray "Madbacadda Qaranka ha la waydiiyo..”

Dhinaca kale, wuxuu soo dhaweeyey qaabka ay Doorashooyinka Somaliland u dhaceen, waxaannu sheegay inay magaca iyo sharafta dalka ay sarre u qaadeen, si wacan oo qurux badana u qabsoomeen.

Loading...
Loading...