Ismaaciil Xaaji Nuur Muxuu Ka Yidhi In Markii 3aad Uu Noqdo Maayarka Ceerigaabo?

0
Wednesday June 16, 2021 - 19:09:23 in News by
  • Visits: 1713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ismaaciil Xaaji Nuur Muxuu Ka Yidhi In Markii 3aad Uu Noqdo Maayarka Ceerigaabo?

    Ismaaciil Xaaji Nuur Muxuu Ka Yidhi In Markii 3aad Uu Noqdo Maayarka Ceerigaabo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismaaciil Xaaji Nuur Muxuu Ka Yidhi In Markii 3aad Uu Noqdo Maayarka Ceerigaabo?

Ceerigaabo(HWN):-Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa markii sadexaad loo doortay maayarka magaalada Ceerigaabo.


Ismaaciil Xaaji Nuur oo mudo dheer hayey xilka maayarka magaalada Ceerigaabo ayey mudaneyaasha golaha deegaanka ee cusubi ay mar kale u doorteen inuu hogaamiyo isla markaana uu noqdo maayarka cusub.



Ismaaciil Xaaji Nuur oo helay aqlabiyada codadka mudaneyaasha golaha deegaanka Ceerigaabo ayey u codeeyeen 11 mudane oo ka mid ah 13 mudane ee golaha deegaanku ka kooban yahay.


Ka doorashadiisa maayar Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa ka hadlay xilka uu markii 3aad oo xidhiidh ah qaaday waxaanu yidhi "Waxaan u mahad celinayaa golaha deegaanka ee cusub oo ay iiga codeeyeen 11 xubnood inaan noqdo maayarka magaalada, labada aan ii codayna waan u mahad celinayaa.”


Maayar Ismaaciil Xaaji Nuur oo la hadlaya mudaneyaasha doortay ee golaha deegaanka Ceerigaabo ayaa waxa uu yidhi "Waxaan leeyahay golaha hawl ayaa inoo taala midna waa la soo qabtay, Ceerigaabana way joogtaa waanay ina dhagaysanaysaa waanay ina eegaysaa, halka ay maanta degmadu joogto waxaan rajaynayaa in 13 xubnood ay noqdaan kuwo ka sii anbaqaada ilaa halka ugu danbaysa ee horumarkana gaadhsiinaya, sidaas ayaana inoo balan ah oo aan idinku hogaaminayaa.”

 

No description available.

Loading...
Loading...