Mudaneyaashii Degmada Boorama Oo La Dhaariyey Iyo Badhasaab Tiimbaro Oo Shaaciyey Wakhtiga Ay Dooranayaan Maayar

0
Wednesday June 16, 2021 - 19:06:52 in News by
  • Visits: 993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaneyaashii Degmada Boorama Oo La Dhaariyey Iyo Badhasaab Tiimbaro Oo Shaaciyey Wakhtiga Ay Dooranayaan Maayar

    Mudaneyaashii Degmada Boorama Oo La Dhaariyey Iyo Badhasaab Tiimbaro Oo Shaaciyey Wakhtiga Ay Dooranayaan Maayar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudaneyaashii Degmada Boorama Oo La Dhaariyey Iyo Badhasaab Tiimbaro Oo Shaaciyey Wakhtiga Ay Dooranayaan Maayar


Boorama(HWN):-Badhasaabka gobolka Awdal ayaa maanta shaaciyey wakhtiga uu qabsoomayo fadhiga ugu horeeya ee golaha deegaanka degmada Boorama.




Maxkamadda gobolka Awdal, ayaa waxaa ay maanta si rasmi ah u dhaarisay Xildhibaanada cusub ee golaha Deegaanka ee degmada Boorama.

Xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmada Boorama oo ka kooban 13 Xildhibaan, ayaa waxaa dhaariyay Sheekh Maxamed Siciid Samaale oo ka tirsan maxkamadda gobolka Awdal.

Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo hadal kooban oo uu ka jeediyay madasha lagu dhaarinayay Xildhibaanadaasi cusub ee golaha deegaanka ee degmadaas, ayaa sheegay in xubnahaasi hadda uu saaran yahay xil wayn, oo bulshada ku nool degmada Boorama u dooratay.

Waxaanu xildhibaanadaasi cusub u soo jeediyay in ay xilkaas u gutaan si masuuliyadi ku jirto, kana shaqeeyaan horumarka bulsahda ku nool degmada ay matalaan.

Guddoomiyaha gobolka Awdal, ayaa sidoo kale wuxuu Xildhibaanadaasi ku wergeliyay in maalinta beri ah ay yeelan doonaan fadhigii ay ku dooran lahaayeen Maayirka iyo Maayir ku xigeenka cusub.


Loading...
Loading...