Golaha Deegaanka Ceerigaabo Oo Doortay Maayar, Xisbiyada Ucid Iyo Waddani Oo Qaybsaday Hogaanka Golaha Deegaanka

0
Wednesday June 16, 2021 - 18:57:27 in News by
  • Visits: 1638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Deegaanka Ceerigaabo Oo Doortay Maayar, Xisbiyada Ucid Iyo Waddani Oo Qaybsaday Hogaanka Golaha Deegaanka

    Ismaaciil Xaaji Nuur Oo Markii 3aad Loo Doortay Maayarka Ceerigaabo Iyo Tirada Codadka Uu helay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismaaciil Xaaji Nuur Oo Markii 3aad Loo Doortay Maayarka Ceerigaabo Iyo Tirada Codadka Uu helay


Ceerigaabo(HWN):-Maxkamada gobolka Sanaag ayaa ansixisay isla markaana dhaarisay mudaneyaasha  golaha deegaanka ee magaalada Ceerigaabo.

No description available.


Ka dib dhaarinta ay maxkamada hirgelisay ee mudaneyaasha golaha deegaanka Ceerigaabo, waxa si rasmi ah u qabsoomay fadhigii ugu horeeyey ee ay iskugu yimaadaan xildhibaanada degmadu.


Fadhiga mudanayaasha golaha deegaanka Ceerigaabo waxay fadhigoodii ugu horeeyey oo ka soo hordhacay wakhtigii ay wasaarada arimaha guduhu u mudaysay ay markii sadexaad ku doorteen in Ismaaciil Xaaji Nuur uu noqdo maayarka magaalada.


Fadhiga golaha deegaanka degmada Ceerigaabo oo ay ku dhamaayeen 13 mudane ee la doortay ayaa 11 ka mid ahi u codeeyeen inuu maayarka magaalada noqdo Ismaaciil Xaaji Nuur oo ka soo baxay xisbiga Waddani halka ku xigeenkana ay u doorteen Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo ka soo baxay xisbiga Ucid.


Dhinaca kale Axmed Maxamed Xasan Baradho iyo Cabdifataax Cabdilaahi Huruuse oo u kala tartamayey maayar iyo maayar ku xigeen ayaa dhankooda helay min 2 cod.


Badhasaabka gobolka Sanaag Eng Axmed Xasan Cismaan oo gudoominayey fadhigii ugu horeeyey ee golaha deegaanka Ceerigaabo ayaana ka hadlay doorashada Ismaaciil Xaaji Nuur waxaanu yidhi "Waxa halkaas inoogu dhamaatay doorashadii oo mudadii aan joogay uu maayarka magaalada Ceerigaabo markii labaad uu noqday Ismaaciil Xaaji Nuur, gudoomiye ku xigeena waxa loo doortay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, waxaanan leeyahay alle haku asduro xilkaasiā€¯


Loading...
Loading...