Goobo Ganacsi oo Lagu Boobay Dalka Koonfur Afrika

0
Wednesday June 16, 2021 - 18:13:13 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1043
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goobo Ganacsi oo Lagu Boobay Dalka Koonfur Afrika

    Johannesburg(HWN):-Wararka ka imanaaya dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaaya in halkaasi saacadahii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Johannesburg(HWN):-Wararka ka imanaaya dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaaya in halkaasi saacadahii


Johannesburg(HWN):-Wararka ka imanaaya dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaaya in halkaasi saacadahii la soo dhaafay lagu boobay goobo ganacsi oo ku yaalla deegaanka lagu magacaabo Soweto oo 24, KM u jirta magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika.
Goobaha Ganacsi ee la Boobay


Ganacsiga la boobay waxaa iska lahaa ganacsato u dhalatay dalka Itobiya, iyadoo deegaanka boobka ganacsi uu ka dhacay ay ganacsiyada ugu badan ku leeyihiin Itoobiyaan iyo Soomaali.

Cabsi xoogan, ayaa soo wajahday ganacsatada Soomaalida ee goobaha ganacsi ku leh deegaanka Soweto inkastoo boobka bilowga u muuqda ee deegaankaasi ka dhacay ayna ku jirin goobaha la boobay ganacsiyo ay leeyihiin muwaadiniinta Soomaalidu.

Warar dheeraad ah, ayaa sheegaya in ganacsatada Soomaalida ee halkaasi ku leh goobaha ganacsiga ay bilaabeen inay alaabahooda kala baxaan dukaamada ay halkaasi ku leeyihiin, kadib cabsi la xadhiidha boobka iyo hanjabaado kaga yimid qaar ka mid ah dadka u dhashay dalkaasi.

Dalka Koofur Afrika waxaa sanad walba ka dhaca boob baahsan oo loo geysto goobaha ganacsiga ay ku leyihiin dalkaasi dadka ajaaniibta ah oo ay ka mid yihiin Soomaalidu waxaana intaas u sii dheer dilal iyo dhaawacyo joogta ah.

Loading...
Loading...