Muxuu Kim Jong Un uga dayriyey xaaladda Korea-da Waqooyi?

0
Wednesday June 16, 2021 - 18:10:03 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Kim Jong Un uga dayriyey xaaladda Korea-da Waqooyi?

    Muxuu Kim Jong Un uga dayriyey xaaladda Korea-da Waqooyi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Kim Jong Un uga dayriyey xaaladda Korea-da Waqooyi?

PYONYANG(HWN):-Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa ka deyriyey xaaladda cunnada dalkiisa, sida ay maanta werisay warbaahinta dowladda.


Kim ayaa sheegay in dhaqaalaha dalkiisa uu sanadkan horumar sameeyey, hase yeeshee wuxuu ku baaqay tallaabooyin wax looga qabanayo xaaladda cunnada "oo ah mid darran,” taasi oo ka dhalatay cudurka Coronavirus iyo duufaano ku dhuftay sanadkii tegay.
Kim Jong Un sounds alarm over North Korean food shortages | Financial Times

Kim ayaa hoggaamiyey kulan ay yeesheen xisbiga xukunka haya ee shaqaalaha, kaasi oo dib u eegis loogu sameynayey siyaasadaha waa weyn ee dalka, laguna dejinayey tallaabooyin lagu xalinayo xasaradaha dhaqaale ee dalkaas, sida ay werisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee KCNA.

Kim ayaa sheegay in si guud dhaqaalaha Korea-da Waqooyi uu barkii hore ee sanadkan horumar sameeyey, ayada oo wax soo saarka warshadaha uu sare u kacay 25%, marka loo eego sanad kahor, sida ay werisay KCNA.

Hase yeeshee waxaa jira "weecasho dhab ah” oo ku timid dadaalladii xisbiga ee lagu fulinayey qorshooyinkii la dejiyey sababo la xiriira caqabado dhowr ah, ayuu yiri isaga oo si gaar ah u xusay sahayda cuntada.

"Xaaladda cunada dadka waa ay kasii dareysaa, ayada oo qeybta beeraha ay ku guul-darreysatay inay buuxiso qorshaha soo saarka haruurka, sababo la xiriira duufanadii sanadkii hore,” ayuu yiri Kim.

Xisbiga ayaa wacad u maray inuu dhammaan dadaallada isugu geyn doono beerashada sanadkan, sida ay tiri KCNA.

Kim ayaa ku baaqay tallaabooyinka lagu yareynayo waxyeellada musiibooyinka dabiiciga ayada oo la eegayo casharadii la bartay sanadkii tegay, kuwaas oo muhiim u ah in lagu guuleysto hadafyada sanadkan.
REUTERS/VOA-Somali

Loading...
Loading...