Xamse Kheyre Oo Xukuumadda Uga Digay Inay Faro-geliyaan Kalfadhiga golaha Deegaanka Gabiley

0
Wednesday June 16, 2021 - 16:16:58 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xamse Kheyre Oo Xukuumadda Uga Digay Inay Faro-geliyaan Kalfadhiga golaha Deegaanka Gabiley

    Xamse Kheyre Oo Xukuumadda Uga Digay Inay Faro-geliyaan Kalfadhiga golaha Deegaanka Gabiley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xamse Kheyre Oo Xukuumadda Uga Digay Inay Faro-geliyaan Kalfadhiga golaha Deegaanka Gabiley

Hargeisa(HWN):-Xoghayaha Warshaddaha iyo Dalxiiska ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Siyaasi Xamse Khayre waxa uu ka hadlay faro-gelin uu sheegay in Xukuumaddu ay ku hayso golaha cusub ee deegaanka magaalada Gabiley, kuwaasoo maalinta barriya yeelan doonna Fadhigii koowaad, kaasoo lagu doorran doono Maayarka iyo Ku-xigeenka degmadda Gabiley.
Wariye Axmeddahir - Siyaasi Xamse Kheyre ka tanaasulay musharaxnimadiiisi golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex. Xamse Khayre ayaa qoraal uu baahiyay ku sheegay in sababta uu u tanaasulay ay tahay duruufo siyaasadeed oo


Siyaasi Xamse Kheyre waxa uu Xukuumadda ugu baaqay inay faro-gelinta ka daayaan Xubnaha golaha deegaanka ee degmadda Gabiley.

"Waxaan fursaddan uga faa'iidaysannayaa oo aan rabbaa inaan u Mahad-celiyo dadweynaha ku dhaqan degmadda Gabiley, oo is badalka u coddeeyay doorashaddii 31-kii May 2021-ka innoo qabsoontay. Degmadda Gabiley waxa laga soo doortay 13 Xildhibaan, 8 ka mida waxa helay Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, waxa kale oo aannu helnay laba Xildhibaan degmadda Gabiley uga soo baxay golaha Wakiillada, markaas bay guushu dhacday, waxaannu imika u joognaa guushaas dhacday dhammaystirkeeddii, markaa maalinta barriya ayay fadhiisanayaan Xildhibaannadu, markaa rajo fiican baanu qabnaa oo waxaannu haysannaa 9 Xildhibaan, markaa haddii faro-gelinta laga daayo wax fiican baannu rajaynaynaa.

Xukuumaddii markii ay aragtay in mucaaridku ku xoog badan yihiin golaha deegaanka ee degmada Boorama, waxay sameeyeen inta la isugu yeedhay oo la dhaarriyay ayaa lagu yidhi doorashadduna waa maalin kale, taasoo ah sharci-darro lagu sameeyay Xeerkii ismaamulka gobollada iyo degmooyinka, markaa falkaas waannu cambaaraynaynaa" Ayuu yidhi Siyaasi Xamse Kheyre

Loading...
Loading...