"KULMIYE Waxa Burburiyay Oo Baabi'iyay Muuse Biixi Iyo Wasiirradiisa Buurbuuran"

0
Wednesday June 16, 2021 - 15:38:36 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "KULMIYE Waxa Burburiyay Oo Baabi'iyay Muuse Biixi Iyo Wasiirradiisa Buurbuuran"

    "Xisbiga KULMIYE Waxa Burburiyay Oo Baabi'iyay Muuse Biix Iyo Wasiirradiisa Buurbuuran"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xisbiga KULMIYE Waxa Burburiyay Oo Baabi'iyay Muuse Biix Iyo Wasiirradiisa Buurbuuran"

Hargeisa(HWN):-Abwaan Cismaan Ku-jarre oo ka mida Siyaasiyiinta Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay Maayarkii hore ee magaalada Burco Mr. Murraad iyo Wasiirkii hore ee Shaqo-gelinta iyo arrimaha Qoyska Hinda Jaamac Gaani, waxaannu hadalkoodda ku tilmaamay mid kala fogaynaaya bulshadda ku dhaqan gobolka Togdheer.
Weriye Axmed Kaafi - KUJARE VS BIIXI | Facebook


"Degmadda Burco waxay ka mid tahay degmooyinka Somaliland. Ina Murraad waxa uu Burco Maayar ka ahaa 8-Sano, maanta kamaanu eeggayn inuu muusannow iyo qabyaalad. 13-ka Inan ee Burco u soo baxay waxa loo doortay inay Burco wax ka badallaan. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro waxaannu u wadnaa innuu qaranka oo dhan wax ka badallo, siyaasadda Xisbiga WADDANI-na waxay ku jihaysan tahay siddii ummadda iyo qarankabba wax looga badali lahaa.

Baroorta, muusannowga iyo qabyaalad ku hadalka ay geed walba la taagan yihiin siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE, waxaan leeyahay waa la dhaafay Qabyaalad, waad arkayseen saddexdii Inan ee bilaa Qabyaaladda ku olalaynaayay codkii ay helleen, markaa waxaan leeyahay waad arkayseen farriintii ay shacabka Somaliland direen.

Murraad iyo Hinda Gaani labaddooduba waxa ay ammaan kala dul dhaceen Maxamuud Xaashi, muusannow iyo Baroor bay ahayd, Xisbiga KULMIYE-na Muuse Biixi ayaa baabiiyay iyo Wasiirradiisa aan aqoonta badan lahayn ee aad mooddo Masaarico in loo soo xushay, Maxamuud Xaashi waa tii loo badheedhay ee guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE loo diidday." Ayuu yidhi Abwaan Cismaan Ku-jarre.


Loading...
Loading...