Maxkamadda Gobolka Oo Go'aan Ka Gaadhay Natiijadii Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa.

0
Wednesday June 16, 2021 - 11:11:39 in News by
  • Visits: 1563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Gobolka Oo Go'aan Ka Gaadhay Natiijadii Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa.

    Maxkamadda Gobolka Oo Go'aan Ka Gaadhay Natiijadii Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Gobolka Oo Go'aan Ka Gaadhay Natiijadii Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa.


Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa maanta si rasmiya u ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa oo Komishanka doorashooyinku hore ugu gudbiyeen.

Xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa 2021

Xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa 2021

Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Maxkamadda gobolka, waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha iyo Garsooreyaasha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, saraakiil ka socday saddexda xisbi Qaran, taliyaha ciidanka Booliska Somaliland iyo mudaneyaasha loo doortay Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex Cabdi Qawdhan Cabdi oo fadhiga maxkamadda furay waxaa uu sheegay in aanay jirin dacwad la xidhiidha doorashada oo soo gaadhay maxkamadda gobolka, sidaas awgeed ay ansixinayaan natiijadii ay hore ugu dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinku.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, waxa uu ku dhawaaqay ansixinta natiijada Doorashada Golaha Deegaanka Caasimadda oo guddidaga doorashooyinku hore ugu gudbiyeen Maxkamadda, waxaana isla maanta madasha fadhiga maxkamadda lagu dhaariyey xildhibaannada ku soo baxay Golaha Deegaanka Hargeysa oo 17 xubnood ka kooban.

Dhinaca kale, xildhibaannada loo doortay Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa dhaarta Maxkamadda kaddib, ayaa kulan wada-jir ah ku yeesheen Hotel Grand Haddi oo ku yaalla Galbeedka magaalada Hargeysa.

Kulanka ayaa noqonayaa kii ugu horreeyey ee ay wada-yeeshaan xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa tan iyo markii lagu doortay doorashadii isku sidkanayd ee dalka ka qabsoontay 31-kii Bishii May 2021-kii



Loading...
Loading...