Googaa Iyo Cigalee,Gar Dhamaatay Dabadeed,Waan Necebay Gocashada

0
Wednesday June 16, 2021 - 10:07:26 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Googaa Iyo Cigalee,Gar Dhamaatay Dabadeed,Waan Necebay Gocashada

    Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim{A.S.C.W.R.W.B]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim{A.S.C.W.R.W.B]




 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Io Akhristayaasheeda.

 

 

1-Guuruun Lama Yidhahde,Gurigaad Degaysaan,

 

Gaashaan Qaad Horseeda,Geediga Hortii Hela,

 

Gar Dhamaatay Dabadeed,Gocashadu Ma Fiicne,

 

Geedkaa Lagu Idlaystaa,Go’ankana La Raacaa.

 

 

2-Gunuuska Iyo Cabashadu,Gobta Waa Ka Xaaran,

 

Golayaasha Murankiyo,Goolaaftan Iyo Faanba,

 

Gabadoo Ka Dhuunto,Dadkuba Yaanu Idin Garan,

 

Guyaashuun Tirsada Oo,Gumawdee Is-Qariyuun.

 

 

3-Goblan Talo Aduunyooy,Gefkii Hadaladiinii,

 

Gudoonkiina Nagu Dara,Gacmo Hoorsigiinii,

 

Gubtayo Cadhooday,Ma Geynaa Gunimadaa,

 

Gelindanbe Ciyaariye,Guntado Ku Talogala.

 

 

4-Gibishaydun Tuurtaan,Gaadhaan Asaagiin,

 

Golceebeed Ha Jiifina,Gilgisho Gantashiyo,

 

Gocondhada Ka Gura,Gogashadin Hurudan,

 

Garaad Hadaydin Leediin,Gaabsada Haddii Kale.



 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...