Barashada cilmiga nolosha(Biology),

0
Wednesday June 16, 2021 - 09:52:43 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Barashada cilmiga nolosha(Biology),

    Aasaasaha nidaamka abtirsiinta noolaha waxa uu ahaa Carolus Linnae

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aasaasaha nidaamka abtirsiinta noolaha waxa uu ahaa Carolus Linnae

waxa uu kahadlaa nooleyaasha kala duwan, sida ay u noolyihiin, asalkooda, sida loo kala saaro iyo wax walba oo quseeya noolaha.

Guud ahaan noolaha shan boqortooyo ama 5 kingdom midkood ayey soo hoos galayaan.

1. Animalia: waxaa kamid ah bini'adamka, xayawaannada, cayayaannada iyo gooryannada.

2. Plantea: dhirta

3. Protist: waxaa soo hoos gala Amoeba, Girardia lamblia(Gooryaanada carurta kudhacaan oo ilma aragtada ah)

4. Fungi: waxaa kamid ah mushroom

5. Monera: bacteriyada

Aasaasaha nidaamka abtirsiinta noolaha waxa uu ahaa Carolus Linnaeus, nidaamkaan oo lasoo saaray 1758-kii ayaa waxaa lagu kala saaray noolaha, magac bixinna loogu sameeyey waxaana loo kala saaray 7 farqo:

1. Kingdom: Boqortooyo

2. Phylum: Qoomiyado

3. Classes: Dirar

4. Order: Gacal

5. Families: Bah

6. Genius: Duul

7. Species: Sinjiyo

Noole kasto abtirsiintaan ayaa lasiiyaa marka la qeexayo, iyadoo loo kala saarayo qaarba astaanta ay ka mideysanyihiin, kuwi astaamo qaar isku mid ka ahna isku magac ayaa lasiiyey,

tusaale haddaan usoo qaadanno abtirsiinta bini aadamka:

1. Boqortooyadooda ama kingdom: Animalia(Xayawaannada wey ka mideysanyihiin boqortooyadaan).

2. Qoomiyadooda: Chordata(Adhaxley ama laf dhabarley, xayawaanno badan ayaa kala siman bini'adamka astaantaan sida kalluunka, diinka wey badanyihiin).

3. Class: Mammals(Naasley, astaantaan bini'adamka waxa ay kala simanyihiin maroodiga, shabeelka iwm).

4. Order: Primates(xayawaannadan waa kuwa farahooda isticmaala waxa ay astaantaan bini'adamka kala simanyihiin daanyeerka)

5. Family: Hominids(waa kuwa qaab dhismeed bini'adam leh, istaagna kusocda sida gorilla)

6. Genius: Homo(bini'adam)

7. Species: Homo sapiens(bini'adam caqli leh, wax walba og).



Iqra Ipra Mohamed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...