Isbadal Noocee Ah Baa laga Filan Karaa Maayarka Cusub Ee Caasimadda Hargeisa?

0
Wednesday June 16, 2021 - 09:23:33 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Isbadal Noocee Ah Baa laga Filan Karaa Maayarka Cusub Ee Caasimadda Hargeisa?

    Isbadal Noocee Ah Baa laga Filan Karaa Maayarka Cusub Ee Caasimadda Hargeisa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbadal Noocee Ah Baa laga Filan Karaa Maayarka Cusub Ee Caasimadda Hargeisa?


Hargeisa(HWN):-Tobankii Sannadood ee u danbeeyay waxa isa soo tarraayay tabashadda Shacabka Somaliland, gaar ahaan shacabka ku dhaqan caasimaddda Hargeysa oo baahidooda ugu wayni ahayd siddii ay u heli lahaayeen Gole deegaan iyo Maayar is badal la taabban karro ku sameeya magaalada Hargeisa oo ah xuddunta Somaliland.
Abdikarim Ahmed Mooge - Posts | Facebook


Dhibaatooyinka ka jira magaalada Hargeisa waxa ka mida Jidad la'aan, iyaddoo jidadkii samaysnaa ee gaadiidku marraayay-na ay si xun u burbursan yihiin, taasoo qayb wayn ka qaadata Shilalka tiro beel ah ee gaadiidka, oo Sannadkasta galaafta Nafaha boqollaal ruux, halka ay dhaawacyo ka soo gaadhaan Boqolaal ruux oo kale. Waxa kale, oo jira Qashinka oo buux dhaafiyay meelkasta oo aad eeegto magaalada Hargeisa, kaasoo fool-xumo wayn ku haya Bilicdii magaaladdu yeelan lahayd.

"Waxa soo af-jarantay Xoollo ummaddeed oo la iska cunno, anigu cunni maayo, ruux cunnaaya u saxeexi maayo haddaad Xilka kaga tagaayo. Magaaladda Hargeisa haddii Illaahay gacantayda soo geliyo Cashuur danbe lagu ciyaari maayo, qofka marka Cashuurta laga qaaddo waxay ku dhacaysaa Qasnadda dawladda hoose, waxaannay ka soo baxaysaa iyaddoo qofkii wax loogu qabannaayo haddii Alle dhigo" Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Cabdikarriim Ahmed Moogge oo ka hadlaayay qorshayaashiisa Cashuuraha.

Loading...
Loading...